Tabobarka dhaqanka ee agabka hadhaadiga ah

Si kor loogu qaado aqoonta dhaqanka hadhaadiga ah, loona kobciyo wacyiga aqooneed ee cidda danaynaysa hiddaha iyo taariikhda, waxa ay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa qabanaysaa tababbar muddo gaaban ah.

Waxa lagu lafa guridoonaa fahanka qiimaha iyo ahmiyadda ay leeyihiin agabka kala duwan ee dadkeenii hore u adeegsan jireen nolosha wejiyada badan, sida: guryaha, cuntada, huga, cibaadada, xoolo dhaqista, samaysashada qalabka shaqada, iwm.  Waxa kale oo tabobbarku hordhac u noqon doonaa xirfadlayaasha maamuli doona Guryaha Kaydka Taariikhda (Museums), ilaalinta iyo fahanka goobaha iyo walxaha taariikhiga ah, aqoonsiga iyo dhowrista aasaarta.

Waxa tabobbarka ka soo bixi doona xirfadlayaasha ka shaqayn kara Guriga Kaydka (Museum), Rugta Kutubta iyo meelaha kale ee dhaqanka lagu kaydiyo, waxana casharrada bixin doona Cabdi Axmed “Gurey” oo soo bartey aqoonta Museum-ka lagu hago.

Xilliga tabobbarku waa Sabtida 30ka May ilaa Salaasada 2da Juun ee 2015ka. Goobtuna waa Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa. Ka eeg lifaaqa barmaamijka oo dhammaystiran iyo habka isdiiwaangelinta, ama booqo degelka tabobbarka (www.hargeysaculturalcenter.org). Tabobbarku waa bilaash, waxa se xaddidan tirada dadka ka soo qayb gali doona. Sida loo soo kala horreeyo ayaa loo heli doonnaa.

Mahadsanid
Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa