Guddoomiyihii hore ee SONYO oo reer Berbera kula dardaarmay soo-dhawaynta qaxootiga Yemen ka soo cararay

Ibraahim Suldaan Cabdiraxmaan oo hore guddoomiye uga ahaan jiray dalladda dhallinyarada ee SONYO haatana ka mid ah qurbe-joogga Somaliland ee Iswiidhan ayaa Salaasadii farriin qoraal ah ku daabacay bogga uu ku leeyahay Facebook-ga, reer Berbera u soo jeediyey in ay gaar u ogaadaan daryeelka iyo soo-dhawaynta qaxootiga ka soo cararay rabshadaha ka socda Yemen ee hadda maganta u ah Somaliland.

Farriinta Ibraahim Suldaan waxay u dhignayd sidan:

Waxa idinku soo qaxay dad ka soo qaxay dhibaato dagaal oo naf idin soo biday. Maanta oo kalena waa maalinta la kala garto dadka dammiirka leh iyo kuwa aan lahayn.

Reer berberow waxa idiin taalla masuuliyad la idinka rabo in aad hoggaanka u qabataan. Masuuliyaddaasi waa in aad dadka qaxootiga ah ee miciinka idin soo biday maamuustaa ilaa inta aad dhulkoodii ka gaynaysaan.

Dadkan (qaxootiga) waxa ku jira ummul, ilmo iyo dad da’ ah oo aan awood shaqi ah lahayn. Taariikhdu way is qortaa oo ama baal dahab ah ayaa laga galaa ama baal madow. Reer Berbera waxay maanta haystaan fursad dahabiya oo baalka dahabka ah isku qori karaan.

Waxa la idinka rabaa in aad qaxootiga xil gaar ah iska saartaan. Waxa la rabaa in aad dadka qoysqoys, qof qof, iyo reer u saacidaan. Waxa la rabaa in muddada ay idinla joogaan aad marti gelisaan dhulkoodiina aad hore ugu dirtaan.

Looma baahna in dadkan lagala hadlo siyaasad iyo arrimo la xidhiidha. Looma baahna in hadalkooda la fiirsado. Waxa muhiim ah in la fahmo xaaladda nololeed ee ay ku jiraan.

Reer Berberow dadkaas Soomaaliyeed maanta magacii Somalialnd ayay marti u yihiin. Idinkaa Illaahay idin baday. Dee ceeb iyo cayd mid uun inoo soo hooya.

Dhibaatada qaxootinimo la inooga sheekayn maayo oo waatii aynu sannadaha la soo jiifnay. Tii baa maanta dadkan haysata. Waxa kaliya ee maqli karayaana waa hoo iyo in wax loo qabto. Hadal kale meesha ma yaal. Dawlad la kaashateenaa, adduunka kale la kaashateenaa, qurbe-joogta la kaashateenaa, arrinkani waa hawl si gaar ah idiinku taal.

 

Bandhige@gmail.com