Wada-hadalladii siyaasiga ahaa oo mar saddexaad natiijo la’aan dhammaaday iyo xisbiga Waddani oo bixiyey aragti ka duwan labada xisbi ee kale

Wareegii saddexaad ee wada-hadalladii siyaasiga ahaa ee u dhexeeyey Kulmiye iyo Xukuumadda oo dhinac ah iyo labada xisbi mucaarid ayaa mar kale xalay la soo xidhay natiijo la’aan.

Guddoomiyaha xibiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” oo iyadoo aan shirka la xidhin ka baxay ayaa saxaafadda la hadlay isagoo Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga Axmed Muumin Seed barbar taagan yahay.

“Wada-hadalladii waxay caawa ku dhammaadeen is af-garad la’aan. Intii hore shirku wuu wanaagsanaa oo si fiican baa loo doodayey, laakiin waxanu filaynay in marka u dambaysa ay natiijo soo baxdo, mana ay soo bixin” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Guddoomiyuhu wuxu ugu baaqay cid kasta oo xal ka gaysan karaysaa in ay soo dhex gasho khilaafkan, isagoo uga jeeda in wada-hadalladan dhexdooda ahi ay sidaas ku dhammaadeen.

“Waxanu soo dhawaynaynaa cid kasta oo khilaafkan xal ka gaysan karaysa ama bulshada Somaliland ha ahaadeen ama Beesha Caalamka” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Hase ahaatee, xisbiga UCID iyo Kulmiye oo in yar kadib wada-jir u qabtay shir-saxaafadeed ayaa labaduba muujiyey rajo is af-garad isla markaana sheegay in aanay wada-hadalladu burburin.

“Maya wada-haddalladu ma ay burburin. Saddexdayada xisbi wax baanu isla meel dhignay. Kulmiye waxay codsadeen in wixii la isla meel dhigay ay ka soo bisleeyaan cidda ay wax kaga xidhan yihiin. Xisbiga UCID maalin iyo lababa waanu ogolaanay in aanu Kulmiye siino. Waxa laga hadlayaa waa masiir ummadeed oo wakhti qaadanaya. Wada-hadalladuna way sii soconayaan” ayuu yidhi musharaxa jagada madaxweyne-ku-xigeenka UCID Cabdirashiid Xasan-Mataan oo xisbigiisa u metelayey wada-hadallada.

Waxa isaguna aragti taas la mid ah bixiyey Guddoomiye-Xigeenka Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed. “Wada-hadalladu way soconayaan. Masiir dhan oo ummadeed ayaa laga hadlayaa oo wakhti bay qaadanaysaa. Saddexdayada xisbiba wax baanu isla af-garanay. Laakiin waxa loo baahan yahay in wada-hadallada wakhti ku filan la siiyo. Waxani waa siyaasad oo nin ba dhinac buu ka taagan yahay. Marka wakhti la siiyo natiijo way ka soo baxaysaa” ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

Hadda lama saadaalin karo in xisbiga Waddani ay ku soo noqon doonaan gogosha wada-hadalka iyo in wada-hadalladu ay sidaas ku burburi doonaan.

Hoos ka daawo muuqaalka shir-saxaafadeedkii ay saddexda xisbi qabteen.