Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo siddeed jirsaday (W.Q. Cadnaan Saleebaan Hagoog)

Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo siddeed jirsaday, wuxuu ka qabsoomi doonaa Hargeysa 1da ilaa 6da bisha Ogos 2015ka. Dalka sannadkan martida ku ahina waa dalka Neyjeeriya.

Hal-ku-dhegga sanadkan 2015 ee bandhigga buugaagta ee Hargeysa waa ‘Barada’. Sidee baynu aragti ahaan u sawirnaa ‘baro’? Sidee bay ka-fikirkeedu inooga caawin karaa fahanka qaar ka mid ah dhibta maanta jirta? Sidee baynu uga fogaan karnaa in aynu aragti ahaan uun u sheegno, balse aynu u adeegsan karnaa si ay inooga caawiso fahanka dunidii aynu ku soo noolayn, ka aynu maanta ku nool nahay iyo dunida timaaddada aynu ku noolaan doonno?

Fikradda ‘Baro’ waxay inaga caawinaysaa in aynu baadhno ummadda Soomaalida (Bulsho reer miyi ah) oo inta badan ahayd bulsho ku nool dhul aad u ballaadhan, xorriyad badana dareema, xayndaab celiyaa jirin ee guur-guura, laguna haynin wax xaddidaad ah hab-fikirkooda iyo wada xidhiidhkooda. Bulsho u nabdoon sida shimbir ku xasilloon deegaankeeda, hase ahaatee, waxay bulshadani si degdeg ah u dhex dabbaalatay marxalad cusub.

Waxay u guurtay nolol magaalo oo aragtida ‘Degel’ ay yeelatay macno cusub, abuurtayna waydiimo cusub. Sidee ayay nolosha cusub ee magaalooyinku u saamaysay hababkii dhaqan ee fikir-cabbirka iyo xidhiidhka? Sidee bay bulsho noocan ahi ula qabsan karta ‘Baro’ horumarsan? ‘Baro’ la qoqobay ma sababi karaa xadiddaadda caafimaad-qabka ruuxda?

Waxaynu u baahannahay in aynu aasaasno oo aynu horumarino Degel aba Baro abuura bulsho caafimaad qabta. Waa inaynu sii wadnaa raadinta iyo baadhista fursadaha iyo caqabadaha ka hor iman kara helitaanka baro fayow. In aynu si joogto ah u raadinno baro cusub oo aan meel ku xaddidnayn, isla markaana lala qabsan karo, waa waxa aynu iyadana u baahannahay. Tayada iyo cabbirka baro qof leeyahay waxa uu ku xidhan yahay xaddiga tacabka iyo hab-fikirka uu qofkaasi geliyo. Waxaynu u baahannahay baro cusub oo innagu xeeran; mid nafseed, mid dhaqan, mid siyaasadeed, mid bulsho, mid shaqsi, mid qoys iyo sidoo kale baro bulsheed oo ku taxan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Waannu ku rejo weynnahay in Bandhigga 8aad uu ka-qaybgalayaasha ku dhiirrigelin doonto in aynu ka fikirno abuurka degelka aynu u baahannahay. Qoraa ahaan, halabuur ahaan, gabayaa ahaan iyo bani’aadam ahaan ba, waxaynu u baahannahay baro inoo gaar ah.

Marka la isku soo koobo ee la soo yareeyo baradaas, waxa bilowda cidhiidhi iyo in aan si toolmoon loo fikirin, waxaana timaadda in ay fikraduhu ku gaagaxaan maskaxaheenna. Marka bani’aadamka laga hadlayo, degel-la’aantu waxay keentaa in faqiir laga noqdo hab-fikirka, fayo-qabka iyo horumarka shaqsiyeed. Dadku waxay u baahan yihiin baro, si ay u koriyaan, uga turjumaan, una kobciyaan nafahooda. Bandhigga 8aad ee Buugaagta Hargeysa waxa ujeeddada koowaad yahay in ay ka-qaybgalayaasha ku dhiirigeliso in ay qeytaan Degelkooda, iyagoon ku xad-gudbayn Degelka ama Barada dadka kale. Waxaan ku rejo weynnahay in uu noqdo Degel iftiin u daara aragtiyaha iyo hab-fikirka ku saqiiray maskaxaheenna.

Cadnaan Saleebaan Hagoog

adnanhagoog@gmail.com