Berberi wax go’ lagu qaado ka wayn! (WQ: Khadar Cabdilaahi Qabile)

Somaliland miyaanay ka weyneyn Gobol, Xisbi, Qabiil iyo Shakhsi marka uu dantiisa arki waayo ay ku baabayso, mise waa wax qofkastaa goortuu doono baabiin Karo.

Boqor buur madow ayaa mar uu warbaahinta la hadlayay sheegay Haddii ay Somaliland ku kala tegayso Cabdirashiid Riya Raac isma casilaayo. Boqor Buur Madow xaq ayuu u leeyahay in uu difaaco qof uu suldaan u yahay balse xaq uma laha in uu meel kaga dhaco jiritaanka dalka sidii uu dukaan uu leeyahay oo marka ay dhici waydo wuxuu doonayo uu xidhayo. Miyaanay dadku sidaadaas oo kale u hadli karin oo aanay odhan karin xubintaas haday timaado waxaanu ka xignaa in somaliland baabado mise waxaad tahay gardaro garab og, haday somaliland ku baabayso shakhsi cidi ka cabatay oo ay tidhi gartayada gali maayo haday baabado siday yay u daran tahay , mise somaliland way ku baabaysaa hadaad adiga iyo reerkaagu iyo reerkaygu iyo shan beelood wax waayaan ay yidhaahdaan way baabaysaa.

Boqor buurmadow waxaan xasuusin lahaa haday somaliland ku baabayso Ina riya raac miyaanay ka fiicnayn inay maantaba ku baabado markii amar uu bixiyay inanka aad adeerka u tahay maxamed kaahin uu kusoo xidhay masuuliyiintii xisbiga wadani xooghayihii iyo afhayeenkii iyo waliba Mujaahid Cabdi Ibrahim oo ilaa hada jeelka ugu jira, miyaanay ahayn waxa la xeerinayaa qaranimada miyaan sidaadoo kale loo hanjabi karin. Maxay daaran tahay hanjabaada buurmadow ma ka toocsi qoladan mucaaridka ahbaa oo uu isleeyahay af reer kuma jawaabi karaan mise waa xaqul shaahii yaraa ee baryahaa muuse joojiyay meel aad u marto samayso.

Hora waxa u dhacay dhacdooyinkan balana ma dhicin somaliland Kumay baabin boqorow

2/6/2007 Golaha wakiilada Jamhuuriyada Somaliland ayaa fadhigoodii ku ansixiyey 5 xubnood oo ka mid ah Todobada Xubnood ee Komiishankii doorashooyinka Labaad ee S/land yeelato, isla Golaha Wakiiladu waxay cod aqlabiyada ku horjoogsadeen 2 xubnood ee kale. Gudoomiyihii gudida arrimaha gudaha ee Golaha wakiilada Md. Siciid Cilmi Rooble oo gudidoodu u xilsaarnaa baadhista CV-da Todobadii Xubnood ee Komishanka Doorashooyinka, ayaa codeyntii ka hor Mudanayaasha hadal kooban oo uu u jeediyey ku sheegay in sadex xubnood oo ka mida Komishanka Dooarashooyinka aanay buuxin shuruudihii looga baahnaa.

Hadaba markii codka loogu qaaday xubin xubin wuxuu goluhuu diiday laba xubnood oo ka soo jeeday deegaanada Gobolada Awdal iyo Sanaag Bari waxayna ahaayeen

Muuse Madoobe iyo Max’d Cabdi Xamud (Nayl. waxa iyana la ansixiyay shantii xubnood ee kale oo dhamaantood ka soo jeeday deegaanada ay dadka qaarkii u yaqaanan beesha dhexe.

Maxamed Yuusuf Axmed

Maxamed Ismaaciil Maxamed (Kabaweyne)

Jaamac Maxamed Cumar (Sweden)

Axmed Maxamed Xaaji Daahir (Bidaar)

Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Balo ma dhicin colaadni ma dhicin waa la soo badaley uun suldaan cuqdad hadleyna ma jirin.

7/7/2009 Golaha Wakiilada somaliland ayaa xubinnimadii Kala noqday ilaahay ha u naxariistee Ahmed Maxamed Xaaji Daahir (Bidaar) oo ahaa xubintii ay keeneen xisbiga UCID, beeshii uu ka soo jeeday kamay hadlin buuqna ma dhicin somaliland kumay burburin xisbigii keenay ayuunbaa muwaadin kale ku soo badaley.

10 October 2009 Madaxweyne Daahir Rayaale ayaa Guurtida iyo xisbiyadii Mucaaradka dib ugu celiyay xubnihii ay Komishanka usoo xuleen.

Xisbiga UCID ayaa sheegay 11 October 2009 in ay u soo magacaabeen xubin cusub Cabdifataax Xasan Ibrahim gudida doorashooyinka kuna badaleen xubintii ay hore ugu magacaabeen Komishanka oo ahaa Garyaqaan Mahdi Maxamed Guled (Khadar) ka dib markii madaxweyne riyaale soo diiday iyadoo uu ku sababeeyay in dhinacyada ay khusaysaa heshiis ku ahaayeen in xubno cusub loo soo xulo Komishanka, sidaa darteedna xisbi ahaan ay xubintaas soo bedeshaan maadaama uu ka tirsanaa Komishankii is casilay.

Waxa kale oo uu madaxweyne Riyaale dib ugu celiyay golaha guurtida Xasan Siciid Yuusuf oo guurtidu u soo magacawday mid ka mida xubnihii gudida doorashooyinka iyagoo markii danbe ku soo badaley Cabdiraxmaan Ismaaciil Maxamed (Dixood).

Sidaas oo kale 18 October 2009 Gudoomiyihii Xisbiga KULMIYE Axmed Silaanyo ayaa soo bedelay Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac oo uu hore ugu magacaabay Guddida Doorashooyinka Qaranka, ka dib markii Madaxweyne Rayaale uu saddex jeer ku soo celiyay xubintaas, Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac ayaa shaacisay inay xilkaa iska casishay ka dib markii sadex jeer riyaale soo celiyay, kuna soo badaley Cali-Khadar.

Beelihii ay ka soo jeedeen xubnahaa uu Riyaale soo celiyay buuqna ma samayn balana may dhicin.

Oct 2014 Xisbiga WADDANI ayaa u magacawday Dr Maxamed Cismaan Fadal in uu noqdo xubin ka tirsan gudida doorashooyinka balse Madaxweyne Siilaanyo, ayaa diiday kuna dooday inaanu buuxin Shuruudihii looga baahnaa, waxay ku soo badaleen Cabdiraxmaan Cismaan Aadan (Sagal). Diidmadaa uu madaxweyne silaanyo diiday xubintii wadani keenay beelina kamay hadlin buuqna kamuu dhicin, sida boqorka beeshii uu ka dhashay Fadal kumay hanjabin hadii Fadal la soo celiyo isagaa Somaliland nagala weyn iyo silaanyo ayaa reer ahaan u diidan somaliland kumay baabin xisbigii keenay ee lagu celiayay ayuunbaa soo badashay.