Bilaydhkii looxa ahaa (W.Q. SAG)

Waa oday da’ ah oo jilicsan, wuxuu guri kula nool yahay wiil uu dhalay, gabadh uu wiilkiisu qabo iyo wiil yar oo afar sanno jir ah oo uu awoow u yahay (Inankiisu dhalay). Odayga gacmahiisu way gariirayaan, aragtida indhihiisu ma fiicna, talaabadiisuna waa tabcaan.

Qoyskani waxay inta badan wax ku wada cunaan miis kaliya, balse odayga waayeelka ah gacmihiisan gariiraya iyo araggiisa aan wanaagsanayni waxay ku adkeeyeen inuu si fiican wax u cuno, bariiski uu cunayay mulqaacada ayuu ka dhacayaa, mar uu damcay inuu koob caano ah kabadona miiska ayuu ku dul daadiyay.

Wiilkiisa iyo xaaska wiilkiisuba waxay aad uga cadhoodeen sida uu odaygu iskugu dhex-daadiyay miiskii habaysnaa.

“Waa inaynu si’ uun nidhaa Aabo, Caanihiibuu daadinayaa, Bariiskii dhulkuu wada yaallaa, intan in kabadan ma xammilayno”.

Sidaasna waxa yidhi Wiilkii isagoo aad u xanaaqsan. dabadeed, Wiilkii iyo xaaskiisii waxay habaysteen Miis kale oo ay meel odayga ka durugsan dhigteen. odaygii kaligii ayuu imika wax cunayaa, halka qoyska inta kalena ay meel kale wax ku cunayaan iyagoo  faraxsan.

Maadaama oo uu Odaygu jabiyay dhawr bilaydh, imika waxa cuntada loogu keenaa bilaydh loox ama qori ka samaysan. Odaygu markuu eego, ubadkiisii ILAAHAY ka beeray halka ay wax ku cunayaan iyo sida ay isaga u fogeeyeen, aad buu u murogoodaa, mararka qaarna indhihiisa ilmo ayaa ku soo istaagta. weedhaha kaliya ee xaga wiilka uu dhalay iyo gabadhiisa kaga yimaada waa handadaad iyo cago-jugleyn, taaso markasta oo ay mulqaacadi ka dhacdo ama cunto ka daadato.

Wiilkii yaraa ee afar jirka ahaa ee odaygu awowga u ahaa, intaa wuu daawanayaa waxa dhacaya waanu aamusan yahay.

Goor fiid ah, cashada ka hor, ayaa wiilkii weynaa ee uu odaygu dhalay arkay wiilkiisii yaraa oo looxaan  ku ciyaaraya, wuxuu si dabacsan u waydiiyay:

 “Aabo maxaad samaynaysaa?”

wuxuu ku jawaabay wiilkii yaraa:

 “Aaabo, waxaan samaynayaa bilaydh yar oo aan adiga iyo hooyo cuntada ku siiyo marka aan waynaado.”

Wiilkii yaraa wuu dhoola cadeeyay hawshiisiina wuu iska sii watay.

Weedhaha ka soo yeedhay wiilkan yar ee afar jirka ahi aad bay u dhibeen, qodxo mudaya oo kale ayey ku noqdeen  Aabihii. Wiilkii weynaa wuxuu ku hadlo wuu garan waayay, ilmo ayaa dhabanadiisa qoysay, balse imika wuu garanayaa tallaabada uu qaadi doono.

Fiidkii danbe, wiilkii weyna wuxuu u yeedhay odaygii (waa Aabihiiye) waxaanu dib ugu soo celiyay miiskii ay qoysku wax kuwada cuni jireen. Intii noloshiisa ka hadhayna qoyska si buuxda ayuu uga tirsanaa. Wiilka iyo xaaskiisuba dhib u may arkayn wixii ka xummaada odayga Aabahood balse si naxariis leh ayay uga fal-celin jireen una taakulayn jireen.

Faa’iidada Sheekada: Waxaad beerato ayaad gurataa. sida aad waalidkaa ula dhaqanto ayey ubadkaaguna kuula dhaqmi doonaan.

U naxariiso waalidkaa, daryeelkoodana haka daalin, sidii aanay yaraantaadiiba xataa kaaga caajisi jirin, habeeno badana kuu hurdo seegeen.  Xaga ILAAHAYNA Ajar baad kaga heli doontaa, Aakhirana janaada ku mutaysan.

 

ILAAHAY KHAYRKA HA INA WAAFAJIYO

W/Q: SAG