Hay’adda Caritas ayaa dhisme ku wareejisay Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta

Hay’adda Caritas ayaa dhisme ka kooban afar qol iyo hool ku wareejisay wasaarada Macdanta iyo Tamarta oo ka dhiseen Burco.

Dhismahan waxa kala wareegay hay’adda Caritas wasiiru-dawlaha Macdanta iyo Tamarta Dr.  Maxamed Faarax Ducaale.

Wasiiru-dawlaha ayaa soo dhaweeyay wadashaqeynta iyo hurmarka balaadhan ee hay’ada Caritas ka wado dalka.

Nuura Magan oo ah masuulka u sareeya hay’ada Caritas oo ka hadashay xaflada wareejinta dhismahan wasaaradda ay u dhiseen ayaa tidhi:

“Dhismahan maanta laga bilaabo waxa aan ku wareejinay furayaashooda wasaaradda oo uu hore dhulka u siiyey hay’ada Hure Walan-wal si loogu fuliyo mashaaracida ummada waxtar u leh.”

Ugu dambayntii wasiirku wuxuu ku wareejiyey isu-duwaha wasaarada Macdanba iyo Tabarta ee gobolka Togdheer.

Dhismahan ayaa xafiis u noqon xafiiska gobolka wasaarada Tamarta iyo Macdanta kaaso oo wax weyn ka tari doona baahiyaha ka jira gobolka.

bandhige@gmail.com