Bulsho Ahaan Maxaynu Tari karnaa Cusbitaalka Guud ee Hargeysa? (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Bulsho Ahaan Maxaynu Tari karnaa Cusbitaalka Guud ee Hargeysa?

Haddii aynu dhammaanteenba ognahay in gaabis ka jiro kana jiri karo adeegga uu cusbitaalka Guud ee Hargeysa u qabto ummadda, waxan qabaa in talo iyo taakulo ummadeed loo geli karo in la buuxiyo baahiyaha jira. Waxa loo baahan yahay tallaabo ka badan tebinta warka dhiillada leh.

 

Waxaynu u qaybsami karnaa:

Qof aqoon ku qaadhaama

Mid wakhti ku taageera

Mid adduun u hura

Mid aragti togan keena

Mid Baahida jirta inoo soo tebiya si loogu kaco.

 

Muwaaddin maxaa inooga bannaan buuxinta kaalintaas muhiimka ah?