Cadow aan la arkayn (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

 

Anigoo iska seexday oo barkinta dheeraystay, ayaa kolba qaar  isoo toosinayaan. Runtii ma jecli inaan wax qoro, laakiin kolba qaar ayaa igu kalifa inaan wax qoro. Nin aanu is naqaan ayaa dhawr jeer igu yidhi, maxaa dhacay maalmahan waxba maad qorin eh. Waxaan marwalba ugu jawaabaa  waan iska daayay qoraalkii. Wuxu igu yidhaa imika uun bay qaar ku xanxantayn markaasaad qori. Run buu sheegay.

Waa kuma cadawgeenu?  Qaarbaa jawaabta la soo carari  oo odhan doona waa shaydaan.  Waar shaydaan bani’aadamka oo dhan ayuu cadaw u yahay, oo hubkii lagula dagaalami lahaa Illaahay ayaa ina siiyay. Waxaan ka hadlayaa mandaqaddan yar ee Illaahay inagu beeray, waa ayo cadawgeenu?

Suaashaa haka jawaabaan dadkan qaylinayaa. Adiga oon garanayn ciddan ku dhibaysa ayaad haddana qaylinaysaa. Waxa laga yaabaa iskuulka la iibsanayo mid carruurtiisu dhigato iskuulku inuu u hiiliyo ka iibsanaya oo uu yidhaa waa inaadeerkay ama isku qabiil ayaanu nahaye car taabo. Hadda garoo caruurtiisa ayaa dhigata iskuulkan la iibinayo.

Cigaal (Alla ha unaxariistee) ayaa laga hayaa markii 1994kii dagaalku Hargaysa ka socday, “Waar guryihiina ha iska duminina.” Wuxu hadalkaa u yidhi wuxu la yaabay dadkan garaad gaabnimadooda shalay cid la wada dagaalamayay, maantana iyaga hubka layskugu dhiibay. Wuxu la yaabay dadkan kolba dhinicii la doono loo jihayn karo. Ma laga yaabaa inay tii soo socoto oo intaa yare ee aynu yabyabnay iska burburino, waayo maba naqaan cadawgeena.

Dagaalkii 1994kii yaa kala hoggaminaayay? Cigaal (oo ahaa Ciise Muuse) iyo Jaamc-Yare (oo ah Ciidagale). Maanta yaa Waddani hoggaaminaya Cirro (oo Habar Yoonis ah) Kulmiyena Muuse (oo Sacad Muuse ah). Inay sidaa u dhacdo ma wax isku beegmay baa mise waa qorshe tolow?

Siyaasadda wax isku beegmaa ma jiraan. Dhacdo walba qorshe ayaa ka dambeeya. Tolow waa maxay qorshaha ka dambeeyaa? Adba garo Illaahay caqli ayuu ku siiyay eh. Ogowna taariikhdu way isa soo celcelisaa.

Riwaayaddii hore ee aad isku layseen labadaas ayaa idiin matalay. Ta imikana labadan ayaa idiin matalaya. Iska dumiya waxaad dhawr iyo labaatankaa soo dhisayseen, carruurtana aynu ilkaha ku qaadano.

The art of war. Waa buug bari hore la qoray, wuxu ka hadlayaa qaabka dagaalka. Wuxu yidhi:

Marka aanad is aqoon, cadawgaagana aanad aqoon,  boqolkiiba boqol waa lagaa guulaysanayaa.

Marka aad is taqaan ee aanad aqoon cadawgaaga boqolkiiba konton ayaad guulaysanaysaa, boqolkiiba kontona waa lagaa guulaysanyaa.

Marka aad is taqaan, cadawgaagana aad taqaan, boqolkiiba boqol ayaad guulaysanasaa,

Inagu isma naqaan cadawgeegna ma naqaan, sidaa daraadeed marwalba waa laynaga guulaysanaayaa ee ku bushaaraysta xaaladdaas ayaad ku jiraysaa eh.  Anigu qaybka kamaan waramin, talada Illaahay marwalba waa halkeeda.

Nin madax ah oo aanu bari  hore la kulanay ayaa lagula taliyay waar waddanka wax u qabta wuxu noogu jawaabay “Waar dadka waa la maaweelinayaa.”

Kuwa aad wax ka sugaysaa ama wax aad ka rajaynasaa waa dadka caynkaa u fikiraaya.  Nin baa gabay ku yidhi:

Baadida ninbaa kula daydayi  daalna  ka badin eh,  oon doonayn inaad hesho daa’in abidkaayeI

Haddaba soo baro cadawgaaga markaa qayli. Adiga oo aan garanayn cadawgaaga waxba ha qaylin, wuu kugu qoslayaa uun marka aad qayliso.   Baro cadawgaaga kadibna taagtaa iska celi!

Halkan hoose ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray:

Tolow maxaa jaadlaha loo laayay?

Maxay u noqdeen wadaadadu daadxoor?

Mar walba qorshe ayaa laguu diyaariyay

Yaa dadka ugu maqal wanaagsan? 

Maxaa liiska argagixisada laynoogu daray yaab

Halkee ayay wax ka qaldan yihiin 

Dadkeenu xor maaha

Faataa dhugleh

Dadku maamul xumo ayuunbay ka cabanayaan uun 

Xamar ayaa carqaladaynaysa saldhiga 

Tolow Soomaalidii looma ooyaanka ahaa yaa ku dilay bada Yemen

Ribo Ribo Ribo 

Tolow muxuu Kulmiye u riixayaa in doorashadu waqtigeeda qabsoonto?

Waxaynu galnay xaalad kala guur, tolow siday noqon

Dhidar onkod kiciyay

Dhallinyartaay xaaladdu way adag tahaye faashashka badsada

Cadduur dhawdhawduba uma dhacsana

Dadkeenu ma istaahilaan in wadooyinka loo sameeyo

Dumarku waa kuwan shaqooyinkii la wada wareegay ee tolow lacagta xaggee ayey geeyaan

Isku shaandhaynta xoogaa leh tolow maxaa kalifay isagoo waqtiga hadhay yar yahay

Golaha wakiiladu yay matalaan

Maxay ahayd ujeeddadii laga lahaa dagaalkii 1988, goorma ayuuse bilaabmay?

Gaaladu labada wadan ee ay indho gaar ah ku eegaan

Bal ummaddan uu dulinku daashaday eega

Yaa soomaliland sameeyay?

Dajjaal iyo labadiisii salladood 

Maxaad ka taqaan Yuhuuda?

11 Sibtambar Soomaaliya khiyaamadii ugu waynayd

Yaa Soomaali halkaa dhigay?

Luqadee ayaa wax lagu baranayaa 

 Siyaasadda Waxbarashada 

Barasho horteed ha i nicin

Ha isku akhriyin haddii aanad ku camal falayn

Qaabka ragga loo dhufaano

Cisaabada ragga dhufaanta

Dhacdo ugub ah oo masaajid Hargeysa ah ka dhacday

Waar xaggeed ku socotaa? 

Muxuu u batay bilaa-camalku?

Munaafiqiinta casriga ah

Waa maxay siyaasaddu?

Eydu waa bilicda magaalada

Bal dadkan ku dawakhay riwaayadan Kulmiye eega

Waa kuma doqonku?

Qabiil ma jiraa?

Waa kuma wadaadku?

Dadku xerooyin ayay ku jiraan

Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?

Dhuuqaa ha noqon

Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?

Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa

Maxaad ka taqaanaa dadka waala?

Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?

Life is three days

Global War

Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?

Yaa burburiyey Soomaaliya?

Dhallintu way gaajoonaysaa!

Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay

Maxaa dadkeena sidan u galay

Dadka doofaarrada noqday

Ummad aan xidhe lahayn!

Nuur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.com