Webtii cawke anigoon ka kaban, welina dhiillaysan
Anigoon wadnuhu ii garrayn, wahabna aan goynin
Caawana ma weer baan xidhnahay, Cali intaan waayey
Waddaniga abwaankii ahaa, waracii suugaanta
Ma-waabtihii gumaystaha nec baa, warankii qoomaayey
Dun-carbeedna maantuu wed helay dunidu waa wiige
Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhsame”
Waa riddo kale iyo qormadeennii taxanaha ahayd ee aynu kaga hadlaynay suugaantii iyo sooyaalkii AHN abwaankii cabqariga ahaa ee Cali Sugulle Cigaal “Dun-carbeed,” geylankii gobonnimo-u-dirir ee abwaanka iyo heestii “ayaa ila gembiya guumaystaha” ayaa aynu dhex-mushaaxaynay oo inoo maraysay, halkaas ayaa aynu maantana geeddiga ka sii hinjinaynaa oo ka sii wadaynaaye Shifo ku af-saara oo shar idin ma leh.
Mar kale ayaa uu AHN Cali Sugulle gulufkii afeed ee darraa ku heensaynayaa guumaystayaashii Soomaalida haystay (Ingiriis, Talyaani, Faransiis iyo Itoobbiyaan), waa gaddii Cali lagu yiqiine si badheedh ah oo aanu geedna ugu soo gabban ayaa uu guumaystayaasha ugu badheedhayaa oo uga hor-imanayaa, haa wuu ka hor-imanayaa oo fallaadh kulul oo waaxyaha ka naafaysay ayaa uu ku ganayaa, waxa uu u caddaynayaa in Soomaalidu ay diyaar u tahay jid kasta oo ay xornimadeeda iyo midnimo dhammays ah ku taabayso. Dhanka kale, Soomaalida ayaa uu ku tirtirsiyayaa in ay dabka xornimo-doonka isla daartaan oo heeryada guumaysi si wada-jir ah iskaga dul-qaadaan, kolkaas ayaa uu tirinayaa heestii dhimbiilaha dabka ka kululayd ee “Haddaanan,” codka heestan lagu qaado waxa la yidhaahdaa “Hayaan” waxaana sameeyey AHN buunigii muusiga Soomaaliyeed ee Cabdillaahi Qarshe; waxa ay heestu leedahay:
Haddaanan qayla dheer hayaay odhan
Hororka celiyaay ku heellayn
Haddaanan guumayste waan u hodmee
Hanaqa iyo goyn halbowlaha
Haddaanan dhulka heegan baan u ahaye
Anigu aan hoydee asagu hadhin
Haddaanan ma-huraanka haaneedkiyo
Hadhuubka u dhiibin hanaddada
Haddaanan xamar waa hadhaysan tahaye
Hargeysay ku saarin heegada
Haddaanan Oogo-hawd u hawshoon
Oo hilbaha iga maqan la soo hadhin
Haddaanan NFD Hengelo dhigin
Oo huurkiyo laga qaadin heeryada
Haddaanan Jabuuti way hakataye
Hilinka kuwa kale hayaan marin
Haddaanay shantu waysku wada hilbee
Hiilkiyo isku raacin hooda ba
Haddaanan rabbi baa hagaajin karee
Hanuunin sidii ………………………
Waad tahay, heestani waxa ay ku baahday guud ahaan ba degellada Soomaaliyeed, waxaanay dhayday nabarro badan oo hafeefanayey, taasi oo keentay in Xisbiyadii Soomaaliyeed ee xilligaa jiray ay soo jeediyaan in heestan dastuur ahaan loo qaato.
Bal haddana kuye, sow kan durtabadii ba riddo kale guumaystayaasha ku widhwidhinaya maaha, sow kan tooshka ku ifinaya ee dabinnadii iyo qafladihii ay maleegayaan dharaarta kaga caddaynaya maaha, sow kan dhiirranaya ee haddana dadkii kicinaya maaha, sow kan ………………. Waxa uu curinayaa heesta “Hayaay” oo uu ugu quus-goynayo guumaystaha, taasi oo odhanaysa:
Hayaay sida aan habeen ahay baa
Hoosaasada la igu hodayaa
Hayaay sida nacab i heegaayo
Oon hiil waayey baan habranayaa
Hayaay sida beel hayaamaysa
Oo hir-doogle aragtay baan hinqanayaa
Hayaay sida aar hunguri ka batay
Oo hilbana gaadayaan hubsanayaa
Hayaay sida geel harraad qaba
Oo hoo biyaha maqlay baan hengenayaa
Hayaay sida wacan anaysku hayee
Halkii ii xun waan ka hadhay
Hayaay sida aan hagaagga bidiyo
Horseedkayga waan higsanayaa
Suugaantaasi dabka la oogay ka kulul ee aynu ka soo sheekaynay iyo qaar badan oo kale ayaa uu AHN Cali Sugulle kaga hor-yimid guumaystayaashii Soomaalida, waxaanu ku galay bogaggoodii madoobaa, marar badan ayaana uu guumaystuhu xabsiga u taxaabay Cali iyo fannaaniintii heesihiisa qaaday ba, taas aawadeed ayaana aynu Cali Sugulle u siin karnaa nambarrada hore ee Xornimada iyo Gobonnimo-u-dirirka.
La soco qaybaha danbe
Qalinka: Khadar Xuseen Daahir “Hayl”
Hargeysa, Somaliland.