Wasiir Warancadde oo si adag ugu digay Xasan Sheekh Maxamuud, Cali Khaliif iyo kooxdiisana wada-hadal ugu baaqay

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo shir-jaraa’id maanta ku qabtay xafiiskiisa Hargeysa ayaa si ba’an u eedeeyey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu sheegay in uu soo abaabulay kooxo qas iyo xasilooni-darro ka abuura Somaliland.

“Waxanu muddo dheer ku dedaalaynay in dadka reer Somaliland waxa ay kala tabanayaan wada-hadal lagu dhammeyo. Hase ahaatee waxa muuqata markii dawladda taagta daran ee Xasan Sheekh Maxamuud maamulo markii ay baajin kari waayaan dhiigga maalin walba ku daadanaya mandaqaddooda ay isku dayayaan in ay rabshadii Somaliland u soo xawlaan” ayuu yidhi Warancadde.

Wasiir Warancadde wuxu sheegay in ciidanka Somaliland ay ku ruqaansadeen goobaha la sheegay in kooxahan sida Wasiirku sheegay Xamar laga soo diray ee uu Cali Khaliif hor kacayaa ay ku sugan yihiin isla markaana ay xukuumadda Somaliland la wareegtay gacan-ku-haynta Balli-Cad oo ah tuulo 70 kiiloomitir Koonfur Bari ka xigta Buuhoodle.

Cali Warancadde wuxu sheegay in xukuumadda Somaliland ay diyaar u tahay in ay la hadasho haddii Cali Khaliif iyo kooxdiisa la socota oo u dhashay Somaliland ay tabasho qabaan.

Hoos ka daawo muuqaalka shirka jaraa’id ee Wasiirka.

 

https://www.youtube.com/watch?v=cl0pFQ9Zt-M&feature=youtu.be