Muuse Biixi oo Burco ku galay tubtii Babrak Karmaal (WQ: Drs Hoodo Yuusuf)

27-kii Diisambar 1979-kii dawladda  Ruushku  waxay  xoog ku qabsatay  dalka Afgaanistaan. Markii ay ciidmadda Ruushku soo galeen caasimadda Kaabul,  waxa dabaabaddi  ugu horaysay “Tank “ shidhka u saarna nin lo odhan jiray Babrak Karmaal, oo laga soo qaaday Moscow.  Waxa loo magacaabay inuu noqdo Madaxwaynaha Afqanistan, laga bilaabo maalintii Ruusku magacaabay Babrak Karmaal  waxa Afqaanistaan ka holcay  dagaal sokeeye oo daba dheeraaday.

Muddo dheer ka dib, waxa laga xoreeyay  xukunkii  Ruuska iyo  Babrak Karmaal ,waxaanu dalkaasi  u gacan galay kooxo mayal adag oo ku salaysan qabii’l iyo caqiidad.

Kornayl Muuse  Biixi  wuu  karayaay  inuu Burco ku soo galo asagoo lugaynaaya, laakinse wuxuu  door-biday in uu soo raaco “Dabaabad”. Waxa hareer socday  cutubyo ka tirsan ciidmada qaranka, booliska, asluubta, ambalaasis iyo shabegleyaashii maxaabiista. Waxa hubaal ah in ay amarka bixiyeen Janaraalada ciidamada kala duwan iyo wasiirka daakhiligu.

Haddaba, waxa halkaas ka sii muuqata,  in aanay  Somaliland ka dhici doonin  doorasho xor ah oo xalaal  ahi, qorshahuna yahay  in Kornayl Muuse Biixi dabaabad laga soo saaro Hargeysa. Waa suurta gal inuu qorhsahaasi hirgalo, laakinse Somaliland waxay ku danbayn doontaa tubtii Karmaal  iyo  Afqaanistan. 

Madaxwayne Siilaanyo  dalkii iyo dadkii lagu wareejiyay asaguna si nabad-gelyo ah ha u wareejiyo.

Drs Hoodo Yusuf, Uk,London.

yhoodo@yahoo.com

“Aragtiyaha lagu lagu daabaco Bandhige waxay gaar u yihiin loona nisbeeyaa qoraaga maqaalka”