Casri maaha hooyadu (W.Q: Saynab Xasan Axmed)

Shanka–roon waa hooyo leh aqoon sare oo maadi ah, oo bulshadu ku magacawdo Jaamiciyad, waa hooyo leh caruur, waa oori saygeedii aduunka xay ku yahay, waa hooyo ubadka iyo saygeedaba la nool oo ay meel kuwada waabariistaan.

Waa hooyo karti badani ka muuqato oo aqoontii ay lahayd ku darsatay aftahanimo, waa hooyo loo hanweynyay oo runtii lagu xanto geesinimo, deeqsinimo iyo waxgarad intaba.

Shanka–roon aqoonteeda diimeed maaha mid aad usareysa ama xaga diinta aad uguma talax tagin, dabcan wey tukataa, soontaa, sadaqadana bixisaa. Shanka–roon wey shaqeysaa waxaanay u shaqeysaa hay’adaha sama falka ee waddanka ka shaqeeya, waxay kaloo kamid tahay dumarka aad ugu ololeeya arrimaha la xidhiidha xuquuqda dumarka iyo waliba siyaasada waddanka.

Maadaama oo ay inta badan mashquul ku tahay shaqadeeda iyo arrimaha dumarka iyo waliba siyaasadana, inta badan xog-ogaal uma aha reerkeeda iyo ubadkeeda midna, waxay ubadka iyo gurigeedaba ku haleysey ama ku ilowdey gabadh shaqaale ah, waxay inta badan carruurta waraysataa kolkey soo gasho ee shaqada kasoo rawaxdo oo ay gabadha weydiisaa sidey yihiin xaalkoodu iyo in ay wax cuneen, kolkaas oo ay hadana u baxdo shirar ay la yeelato haweenk kale oo ay isku howlo yihiin ama ay kaftan wadaag leeyihiin, inta badan habeenkii uun bay gurigeeda kusoo hoyataa iyada oo daal iyo tacab badani ka muuqdo. Saygeedu runtii wuu dhibsadaa kolka uu guriga soo galo ee uu arko marwadisii oo ka maqan, kolkaasuu hoos u yidhaa:

“Cajiib naag ma qabee, nin baan qabaa!.”

In badan ayuu Shanka–roon kala hadlay in ay sidan ay u socoto wax ka badasho oo ubadka iyo isagaba ka warheyso oo shaqadeeda kolkey soo dhameysato marwo gurigeeda laga helo ay ahaato oo ubadkeeda dhexjoogta kana warheysa, waxayse ugu jawaabtaa Shanka–roon iyadoo ku beerlaxawsanaysa:

Xaaji is deji xildhibaan ama wasiir in aan noqdaan ku talo jiraa oo aad raga qeyrkaa ugu faantee!.”

Ubadka ay dhashay waa ubad qurxoon xaga labiska iyo dhismaha jidhkaba, waase ubad eey ka maqantey xanaanadii waalid waliba tii hooyo, waa ubad tabaya koolkoolintii iyo kaalintii hooyo laheyd, waxay ku mashquulaan oo inta badan daawadaan aflaamta carruurta ee afka qalaad lagu yidhaa “cartoons”, waa ubad aan barbaarintii habooneyd ee Islaamiga ahayd helin.

Shanka–roon markay sii shaqo tageyso subaxdii waxaad labiskeeda moodaa in ay tageyso xaflad aroos, uduga ka carfayana waxaad moodeysaa in ay tahay aroos ama oori ninkeedii qaabileysa, dumarka jaarkeeda ayaa garta in ay Shanka–roon soo baxdey kolkey carfigeeda dareemaan. Xafiiska ay u shaqo tagtona waa laga yaqaan ama laga dareemaa carfigeeda, hadalo kaftan ah ayey dadka la shaqeeyaa rag iyo dumarba ku tuuraan oo yidhaahdaan labiskaaga iyo carfigaada cid gaadhi kartaa ma jirto, waxay hadaladaasi u aragtaa dhiiri-gelin mase oga in ay hoos u xantaan oo la yaaban yihin.

Shanka–roon ma aaminsana in gabadhu tahay in ay gurigeeda ku labisato oo isku carfiso, saaxiibadeed Marwo oo iyadu ah gabadh aad diinta ugu talax tagtey oo ay jaar yihin ayaa inta badan kula talisa in ay gurigeeda iyo xaajigeeda uun u labisato oo isu carfiso, taas ayey ajar Alle agtii kaga helaysaaye, xaajigeeduna ku qalbi qabowsane, Shanka–roon se dhag jalaq masiiso waanadaa saxiibadeed, waxaanay saaxiibadeed u sheegtaa in ay saaxiibadeed heysato fikradihii hooyooyinkii hore, iyaduna ay tahay hooyo casriga la jaanqaadeysa, mase oga in hooyo aanay casri laheyn ee ay hooyada dhabta ahi tahay ta fulisa amarka Alle faray kana soo baxda masuuliyada uu Eebe saarey ee ubadka, seyga iyo qoyska intiisa kaleba ka saaran.

Saaxiibadeed Marwo ayaa maalin jimce ah waqti galin dambe ah oo maqrib ku dhow soo booqatay gurigeeda Shanka–roon, kolkaasey aragtay iyadoo labisan oo diyaar ah, goortii ay weydiisay xagey u socotana waxay Shanka–roon ku jawaabtay:

“Saaxiib waxaan u socdaa xaflad haweenka xisbigayagu kaga arrinsanayaan siyaasada wadanka.”

Marwo oo aad u yaaban ayaa tidhi:

“Oo maanta waa jimce xaajigiina wuu kuu joogaa, ubadkiina wey joogaane maad waqti siisid ood iska joogtid.”

kolkaasey intay qosol ku dhufatay Shanka–roon oo is cadriyeyneysaa tidhi:

Caruurta xaajigaa kasii warheyn, inantuna wey caawine saaxiib dhib maleh.

Marwo ayaa markaa hadal kaftan ah ku tidhi:

In aad aroos tahay baa lagu moodaa ama xaflad aroos ka qayb-galeyside miyaanu xaajigu ka hinaaseyn hadduu ku arko adoo sidan ku baxaya.”

Shanka–roon ayaa intay qosol ku dhufatay ugu jawaabtay:

“Oo isagaaban sharaftiisa dhisayaa kolka anoo qurxoon ley arko muxuu ku hinaasi mid kalena aan kuu raaciyee saaxiib wailgaa cadowgaaga u labisnow oo iska dhis adoo bahdilan ummadda ha dhex tagin iyadoo kawada bahdilaada xijaabka ay saaxiibadeed sidato.”

Kolkey intaa is weydaarsadeen ayaa wiilkeeda carruurta ugu weyn oo 9 jir ah intuu usoo galay ku yidhi hooyadii:

“Hooyo aan ku raaco oo ikaxee, waligaa maalina imaad kaxeyne.”

Shanka–roon waxay ugu jawaabtay wiilkeedii:

“Hooyo markale ayaan ku kaxeyne aabo lasii joog.”

Kolkaasey Marwo damqatay oo ku tidhi Shanka–roon:

“Saaxiib ubadkaagii iyo saygaagiibaa dayacane maxaad dal u qaban kartaa, dalku wuxuu hagaagi lahaa hadii intiinaa hooyo ee maanta isu imanaysaa aad horta guryihiina iyo sidii aad u hagaajin laheydeen ka arinsataan oo ubadka iyo xaajiyadan aad watchmen ka dhigateen aad u adeegtaan oo noqotaan marwooyin iyo hooyooyin bulshadu ku dayato, waxaanad ogaataa dalkuba inuu ka koobanyahay guryo isu tagay kolkey guryuhu hagaagaan dalku wuu hagaagi kolka guryuhuse xumaadaan dalku wuu xumaan”. Tix yar ayeey sii raacineysaa:

Caruurtoo dayacan,

Xaajigoo cadiban,

Canabeey danyeeloo,

Canbaro usheekee,

Iima cuntameysee,

Casri maaha hooyadu,

Kolba caynad yeelata.

 Shanka–roon ayaa iyadoo sii baxaysa ugu jawaab celisay:

“Saaxiib sheeko Islaameedka iga yaree oo la qabso waqtiga, waa inoo hadhow waan baxee.”

Marwo ayaa iyadoo aad u yaaban gurigeedii ku soo laabatey, kolkaasey hoos usula hadashay oo ay tidhi, ileyn hooyo nooc badanaa taasiba hooyaan ahay uunbey dadka ku tidhaa, maxay hooyo iyo howlaheeda ka ogtey way dhashaa oo ka dhaqaaqdaaye, ragna muxuu dhib qabaa ileyn taasoo kaleba nin uunbaa qaba oo u samraya e.

 

Dhammaad.

Qalinkii: Saynab Xasan Axmed