Shirweyne loogu magac-daray horumarinta dhaqaalaha Iyo kasbashadda maal-gashiga oo Hargeysa lagu qabtay

????????????????????????????????????

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga Xuseen Aadan Cigge Xuseen “Deyr” ayaa ka furay Hargeysa shirweyne hal maalin socon doona oo lagu fallanqeynayey hanaanka horumarinta dhaqaalaha Somaliland iyo qaababka lagu heli karo maalgashi caalami ah.

Shirweynahan ayaa noqonaya kii lixaad ee noociisa lagu qabto dalka, soona qaban-qaabiyeen Wasaarada Ganacsiga iyo Rugta Ganacsiga, kana soo qeyb-galeen xubno ka socday ganacsatada dalka uu maalgeliyey Baanka Adduunku iyo hay’adda DANIDA.

Wasiirka Ganacsiga iyo  Maalgashiga Xuseen Deyr oo kulanka furitaanka shirweynaha ka hadlay, isla markaana faahfaahin ka bixiyey ujeedadiisa, waxaanu yidhi:

“Waxaan maanta (shalay) noo furmay shirkii lixaad ee horumarinta dhaqaalaha dalka oo lagaga arrinsanayo sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha dalka iyo sidii la iskugu soo dhaweyn lahaa hay’adaha dawliga ah iyo hay’adaha madaxa-banaan ugana wada tashan lahaayeen horumarinta iyo  kobcinta  dhaqaalaha  dalka.” 

Wasiir  Xuseen Deyr oo ka hadlayey hanaanka lagu horumarin karo dhaqaalaha dalka, isla markaana lagu heli karo maalgashiga waxa uu yidhi:

“Dhaqaalaha dalkeennu wuxuu u baahan yahay horumar ka wada dhaxeeya xukuumadda iyo ganacsiga gaarka ah, waxa kale oo horumarka dhaqaalaha dalku ku xidhan yahay  in la helo maalgashi caalami ah, maalgashiguna waxa uu ku xidhan yahay  in la helo shuruuc u sahli karta maalgashadaha  in uu ku soo dhiirado dalka oo uu aamino.”

Agaasimaha waaxda qorshaynta ee Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga Maxamed Cawaale, oo kulankaa ka hadlay ayaa sheegay inuu muhiim u yahay dhaqaalaha dalka, waxaanu yidhi:

“Waxa farxad noo ah in uu shirka inoo furo Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashigu, shirkani waxa uu kaga duwan yahay shirarkii hore in la isku keenay dadka ka shaqeeya ganacsiga, waxaana ay muhiimad u tahay in la fahmo horumarinta dhaqaalaha dalka.”

Shirkan ayaa waxa uu ahaa shir socday hal maalin kaas oo la filayo in in go’aamaddii iyo tallooyinkii ka soo baxay waxtar u yeelan doonaan horumarinta dhaqaalaha Somaliland.

bandhige@gmail.com