Cilladaha doorashooyinka iyo cudurdaarka (WQ: Cumar Cali Cabdillaahi “Cumar-Dheere”)

 

Isaga oo gafuurka iyo ganafka taagaya ma la kulantay?

Salaamu calaykum maku tidhi? Nuuna iyo naana…hadal iyo hugun..juuq iyo jabaq..guux iyo gariir maka wayday.

Naftaad ku odhanaysa ” Salaan khasaartay dheh”. Markaad dhawr tallabo dhaafto, ayaad maqlaysaa cod gaaban oo leh “Calaykum wasalaam”.

Hadda uunbay muraayaddisii araggu ka jabtay. Qofka salaamayba si fiican uma arkayn. Intii uu sawirka isku gaynayay ee maskaxdiisu hummaagaaga macnaynaysay ayaad adna orod ku dhaaftay. Adaaba nasiib lahaa oo shaadhkii casaa ee aadan sitimaanka bixin, timahaaga qudhacaa ah, cadarka abufaasta ah iyo qufacaabu kugu gartay. Toban qof oo hore oo soddohdii ku jirto ayuu dad iyo geed u kala garanwaayay.

Adiga laftaadu ismaan dareemin ee illayn sameecadda dhagtii ku qaraxday laguu gashay ayaa baytarigii macaanaaday. Codkiisu waabu dheerraye, illayn aduu cod baahiyuhu ku falaagay.

Isna wuu yaabannaa oo lahaa waar ninku maxuu la sii ordayaa?

Fadlan hala isku cudurdaaro cilladaha farsamo ee doorashooyinku ma yaree.

Cumar Cali Cabdillaahi