= Wixii shalay ka dhacay Ceerigaabo waxa shaqooyinka koowaad ee uu madaxweynaha la doortay xalkeeda laga sugayo. Hartiga Ceerigaabo degaa waxa ay shalay sheegeen in 7 qof laga diley tan iyo markii Cirro ku guulaystay doorashada. Taasi oo micnahoodu yahay in lagu soo dhiiran yahay.
= Mucaaradka dawladda Cirro ku kacsani waxa ay shalay soo bandhigeen luuqaddii ay beesha Cirro ku hadli jirtay ee ay garabka u siin jireen huwanta Laascaanood. Hadalladaasi waxa ka mid ahaa: waa laga gardarran yahay Hartiga Ceerigaabo, ha looga soo baxo xaafadaha ay Ceerigaabo ku leeyihiin, gefka ha laga daayo Hartiga magaalada iyo dagaalka Ceerigaabo dhexbaan ka nahay. Dhammaan hawlahaasi waxa looga fadhiyaa Madaxweyne Cirro.