Jabuuti Siyaasaddii Soomaalilaan way kaga adkaatay Itoobiya W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Itoobiya waxa ay lumisay inay taageero weyn u muujiso madaxaweyne Biixi oo diyaar ula ahaa inuu la saxeexdo heshiis ay ku heli lahayd inay lugta la soo gasho Badda Cas. Haddii heshiiskaasi fuli lahaa oo ictiraaf la heli lahaa shaki kumuu jirin in Muuse Biixi dib loo dooran lahaa. Jabuutina taasi ayey ka dagaalamaysay si danaheeda dhaqaale ee isticmaalka dekedeedu aanu u xidhmin.
Jabuuti waxa ay xidhiidh la yeelatay xisbiga mucaaradka ee Waddani si meesha looga saaro Muuse Biixi iyo heshiiskiisa Itoobiya. Waxa ay taageero dhaqaale oo badan siisay xisbiga Waddani. Arrintaasina way ku guulaysatay oo Itoobiya way kaga adkaatay. Waxa se la eegi wuxuu heshiiskii MOU-ga ka yeelo madaxweyne Cirro.