Haddii Xukuumadda Cirro ka baxdo Heshiiska MOU-ga Maxay Itoobiya Tallaabo Qaadi kartaa? W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Dagaal dhaqaale ayey inagu soo qaadi, oo suuqa Wajaale iyo isticmaalka dekedda Berbera ayaa ugu horrayn doona. Taasina waxa ay xukuumadda cusubi ka dhaxli doontaa inay iska bixin kari weydo mushaharka shaqaalaha.
= Galbeedka Soomaalilaan ayey jabhado iyo Soomaalilaan-diid ka abuuri doontaa.
= Waxa isku xidhmi doona madaxda kililka shanaad ee Soomaalida Itoobiya iyo maamulka argagixisada Laascaanood fadhida.
= Gudaha Soomaalilaan waxa ka abuurmi doona kacdoono iyo caddaadis ka yimaada mucaaradka xisbiga Kulmiye iyo taageerayaashooda. Waxa ay dawladda ku mucaaradi doonaan inay ka noqotay ictiraafkii miiska saarnaa oo ay hoos gashay Jabuuti iyo Muqdisho.