= Haddii ay dhab noqoto in guddoomiye Xirsi laga dhigo Wasiirka Arrimaha Gudaha, waxa uu loolllaan xooggani dhexmari doonaa Xirsi iyo Xaashi. Maxamuud Xaashi wuxuu isu arkaa inuu qaybta ugu weyn ku lahaa guusha Cirro. Halka Xirsina uu isu arko inuu yahay ninka Muuse qaab siyaasadaysan meesha uga saaray, oo Cirro muddo dheer xulufo la ahaa. Sidoo kale Xirsi wuxuu aaminsan yahay in Maxamuud Xaashi ay siyaasad ahaan u kala baydheen oo uu Muuse raacay, isna uu Cirro raacay. Ka dibna uu Muuse soo eryey oo uu qoxoontinimo-siyaasadeed ugu soo galay.
= Heshiskii uu Maxamuud Xaashi la galay Cirro ee golaha wasiirrada in wax laga siiyo, Xirsi wuxuu ku noqon doonaa caqabadda koowaad. Waayo wasiirro aan dhinaca Cirro ka socon ama aan dhinaca Xirsi ka soconi way adag tahay inay dawladda la shaqeeyaan.
Like
Comment
Send