Coldoon xikmad xumadiisaa xidhay (WQ: Axmed Cali Kaahin)

Balaadhnina islaamku waa astaan dadka soo islaamay haddii taariikhdooda baadho aad dareemayso siday u saamaysay diintana ugu soo jiiday Eeshiyada fog dhaqan suuban baa diinta lagu gaadhsiiya iyo fudaydin, naxariis iyo dhibirsanaan. Allaaah suurada baqara wuu ku yidhi “ ilaahay fudayd buu idin la doonayaa ee culays idinlama doonayo”  wuxuu idin la doonayaa in uu idiin fududeeyo, Nisaa. Xadiis kii kale waxa uu ahaa way halaagsameen kuwa adkeeyaa.

Sidaa daraadeed haddii aad eegto qaabkii Rasuulku Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee uu wax u sixi jiray. “Fududeeya oo ha adkaynina, bushaareeya oo ha eryina”, Mucaad baa dadkiisa tukiyay waxay ka cawdeen in uu salaada dheereeyo, waxa uu si cadho leh ugu yidhi “ma fidna wadaad tahay”, ninkii masaajidka ku dhex kaadhjay, ee saxaabadu ku qaylisay daaya ha dhamaystee, halkan waa lagu cibaadaystaa uun buu u sheegay.

Dhacdooyin badan sida saxaabigii yidhi rasuul allow ii fasax sinada, wuu u duceeyay, ninkii khamriga cabi jiray ee u iman jiray waar daaya oo walaalkii ilaahay buu jecel yahay iyo rasuulkiisa shaydaanka ha ugu kaalmaynina markay habaareen. Ninkii munaafaqa ahaa ee habeen iyo maalin shirqoolka iyo borobogaandada maleegi jiray markay saxaabadu yidhaahdaan aanu dilno waxa uu odhan jiray Nabi Maxamed Rasuulku Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee waxaa lagu sheekaysan saxaabadiisa ayuu layn jiray ee daaya. Hadda waaba munaafaq Allaaah samada dusheeda ka soo sheegay.

Dhacdooyinkaa laga dhamaan mayo saxaabigii sirtii dagaalka bixiyay markii la weeraraayay reer Maka daaya buu yidhi waa badriye maxaad ka ogtihiin in la yidhi waxaad doontaan sameeya. Xataa lama ceebayn, yuhuudii reer Madiina wuu booqan jiray dhaqan wanaag iyo dhibirsanaan bay ku yaqaaneen waligii muu ceebayn iyagoo dhagaro maleegaayay, balse si haboon buu u daweeyay oo heshiisyo ayuu lagalay, yaa yidhi Gaal la’lama macaamaloon karo. Waa aragti gacan ku rimisa oo la sameeyay, 5 gaal baa jira mid uun baa lala dagaalamaa.

Dadka Dhambaalka Allaah Sidaa Waa Raxmad. Haddii Waanada aad sido laba shay laga dhex arko waa faashil. In dadka aad wax u sheegayso waxay haystaan u arkin in aan Xaasidayso ama fadeexadaynayso.Sheekhaygaa intaa ii sheegay taasina waxay keenaysaa in Cidi waxba kaa dhagaysan waydo sunihiina maad raacin.

Waa in laguu arkaa Raxmad Caalamiya. Oo huwan xikmad iyo waano wanaagsan. Waxaad moodaa qaabka Coldoon Mashruuc kale oo kan uu ka hadlaayo ka khatar badan marka wax la dawayn karo laga dhigo mid ummada iyo xukuuda la iskaga horkeenayo. In qofku is dhigo martabada Culimada isagoon qoon diimeed lahayn una fatwoodo sida culimada waaba mushkilada ummada halaagtay diintooda iyo aduunyadoodaba. In qaabka Coldoon xukuumada loo waajahaa waa qaab gacan ku rimisa oo ummadaha lagu halaago iyo dariiqa dhiiga muslimiinta lagu xalaashado. Nasteexada dadka dhexdooduna waa fadeexad habaana jira.

Waxaa muuqan kara in cid ka dhex hadlayso. Waana meelaha laga bilaabo doodo halis ummada u horseeda. Xadka muwaadinku meelbuu joogaa. Halkaana wxaa ka bilaabma xadka xukuumada. In dugsigaasi shakiyo culus ku gadaaman yihiin oo saamaynaya mustaqbalkeena waa mid ii muuqata. Balse daawaynteeda cid baa leh sixideeduna waa hab anshax leh. Allaaah umadeena ha inoo dhawro dhamaan

Waxaan kusoo gabagabaynaa tusaalooyin usoo jeediyay Aqoonyahan Cabdi raxman cawl oo dadka wax ka yidhi aragtida farsamo ee iigula haboon waxaanu qoray sidan waana waanooyin farsamo oo tolmoon dawladuna u baahan tahay in adeegsato kana fog laab lakac iyo jacayl indho la.

Sidaa darteed, si ay wasaaradda waxbarashaddu u buuxiso kaalinteeda waa in ay:

  1. Dugsiyadaa u dirto koox macalimiin dhalinyaro ah oo tobabaran khibradna leh, kuwaas oo ka dhisan maadooyinka luqada Carabiga iyo Tarbiyada Islaamka; si fiicana u adeegsan kara luqada Englishka si ay ula xidhiidhaan macalimiinta dhigooda ah.
  2. Kormeerayaal aqoon sare u leh waxbarashada si joogta ah u koormeera kana soo warbixiya .
  3. Macalimiintaasi waa in ay ka mushahar qaataan wasaaradda iyo dugsigaba si aanay u dareemin baahi looga faa’iidaysto.
  4. Macalimiinta iyo kormeerayaasha waa in lagu xullo aqoontooda, kartidooda iyo caafimaad qabkooda hawl gudasho; si ay inooga buuxiyaan fakaagaa inagu soo bannaanaaday.
  5. Maktabadda waa in ay wax ku yeelato wasaaraddu Diin ahaan iyo dhaqan ahaanba; si ay ardaydu u hesho meel ay ugu noqdaan diintooda iyo dhaqankooda.
  6. Manhajka ay dhigayaan ee Carabiga iyo Tarbiyada Islaamigu waa in uu noqdo ka wasaarada waxbarashada oo ay ku jiraan waxqabadyo dheeraada sida muxaadaroonyin, khudbado, waqtiga salaada oo ay tukiyaan , Qu’aan akhris iwm.
  7. Waqtiga jadwalka ee maadooyinkaa waa in meel fiican looga diyaarayaa oo aanay ka yaraan inta ku qoran Xeer Lr 77/2018, iyo xeernidaamiyaasha ka farcama.

Waayo aragnimada wasaarada ee dugsiga SOS:

WW&S Waxa ay hore ugu dirtay dugsigii SOS ee Sheekh laba macalin oo tababarayaal ahaa oo markaanu macalimada ku soo biiray na hagi jirey waa labada macalin ee AHUN Cilmi Caateeye  Warsame iyo Macalin Cabdinaasir Cumar Xasan oo illaa hada dhiga. Intaa suu ku soo gababa gabeeyay aqoon yahayn Craxmaan cawl.        Qalinkii Axmed Cali Kaahin aakaahin@yahoo.com

HA HILMAAMIN XUSKA RABI.