Curadkii Curinta: Calan-side Cali Sugulle Cigaal 1939-kii – 2016-ka, Q.10aad (WQ: Boobe Yuusuf Ducaale)

“Waxan waayey, waayeel murtida, waajibkeed gudaye,

Waxan waayey, waadiga hiddaha, weel nin noo dara e’,

Waxan waayey, ruux loo wakiyo, wiiqii bawdada e’,

Waxan waayey, ruux lagu wardiyo, weedhuhuu yidhiye,

Waxan waayey, wabarkii tixdiyo, wadanaheediiye,

Waxan waayey, waradii hiddaha, waayo-araggiiye,

Waxan waayey, wadihii wan-qalay, wowga dirireede,

Waxan waayey, wadhi kii ku dhigay, gaalkii wicilkiiye,

Waxan waayey, webi dhaqanku laa, oo ka wabax laaye,

Waxan waayey, wiilkii indhaha, waaxda maqalkiiye,

Waxan waayey,lama waarayee, waafi Dun-carbeede,

Waxan waayey, waaniye jeclaa, wadar dadkiisoo dhan.,

 Tuduc ka mid ah Maansada Baroor-diiqda ah ee Xasan Daahir Ismaaciil, Weedhsame,

Dimuqraaddi weeyaan,

Dorraad iyo heshiiskii,

Dabuubtii kacaaneed,

Ujeeddada danteenniyo,

Aayaha dalkeenneey,

Deelleey la socotaa,

Derejiyo ammaan bay,

Dufan-jecel u xilataa,

Doogsin-dhabadka lacageed,

Dayax shan iyo toban jira,

Runtii duhurka ka caddayd,

Anigaa dul dhigayee,

Billad haygu doonteen,

Dulucdiyo ujeeddada,

Dalab intay u yeelaan,

Doc kaloo ka-jeeddo ah,

Hadalka haw duweenoo,

Dallacaad ha raadsado,

Way naga dul boodeen,

Murtiday dillaaleen,

La-daalaa-dhacaayaan,

Misna doobinaayaan,

Doqonnimo waa shile,

Dushay milil ka dheyayaan,

 

Isku diin Hadraawoow,

Bil ammaara Deelleey,

Duullimaadki weeyaan,

Halkay doogtu jiiftiyo,

Maashaba duraysee,

Daafaceeda kii galay,

Dugsi ma leh qabyaaladi,

Roobkaa ku dacal-dhebay,

Dan kaluu ka leeyahay,

Waa se loo kitaab-deyi,

 

Da’da kale waxay tahay:

Damalka isku-noolka ah,

Dugaalkiyo hadhkiisii,

Duul baa ka buuxoo,

Durrujaaga hoosiyo,

Dalandoolli jinacliyo,

Kud-kudohoo an laga dilin,

Dooyayasan maayoo,

Weligay shax maan degin,

Dabada ciidda maan dhigin,

Faraha boodhka maan darin,

Mana daawan karayoo,

Illeyn waan derderanoo,

Anigu waan degdegayaa,

 

Diirisadii cadceeddaa,

Daruur beeni qarisoo,

Habeen dumay xiddigo dem ah,

Aragtidoodi diiq tahay,

Dayax shan iyo toban jira,

Runtii duhurka ka caddayd,

Daliilkeedu wuxu yahay:

Dunqulaalka huriyiyo,

Dogobbo iyagoon gurin,

Dabka shida ku diirsada,

Kuway uga daraysoow,

Waan idiin digaayaa,

 

Dabeyshii qabiiladu,

Way soo dusaysaa,

Yay deminin ololkee,

Duul-duushay dhuxushii,

Deelleeydu sheegtee,

Waa la duugay kii yidhi,

Dirayskuu ku dhuuntaa,

Derejaduu ku qariyaa,

Dulligii hadduu wado,

Ma danbaabidhaysoo,

Debecsan hooyadoodii,

Dameeruhu isku halleyn,

Dabada uga nuugee,

 

Waxan uga dan leeyahay:

Dulmigii gumeysiga,

Diburootigiisii,

Dakharradi igaga dhacay,

Waxa igaga sii daran,

Kuwa doogta kiciyee,

Deel-qaafka maansada,

U dul-qaadan maayoo,

Waa laga diqoodaa,

Soor quudhi waa duuf,

Waa dardaarankiisii,

Weligi u ducayn jiray,

Qarshaan uga danbeeyaa,

 

Dooddeeda Maandeeq,

Sheekadaw kitaab-daya,

Dar Ilaahay maansada,

U dareeriyaan ahay,

Murtidii dalkeennaa,

Dadku ii xil-saaroo,

Habaar dibadda weeyaan,

 

Waa duluc ujeeddo leh,

Waxay daarran tahay waa:

Gudimo daab la’aantii,

Miyay dogobbo goysaa?

Diric keli ahaantii,

Daleel guusha kama helo,

Dadkaa geesi lagu yahay,

Waxan uga dan leeyahay:

Daacaddiyo sinnaantaa,

Daahirin caddaalade,

Dersigii midnimadiyo,

Isku dubba-rid nololeed,

Danta dawyadeedii,

Daanyo-qaad ku baaqyoo,

Doog baynu moodnee,

Cabsi laguma dabo-gelin,

Dadkana waa u siman yahay,

Hawluhuu inoo diray,

Dusheennuu xil-saaraye,

Ka dayacay intiisii,

Docdiisii ka soo bixin,

Wixii dacarta laga dhigay,

Waa  la isu diidoo,

Waa la iska daayee,

Ka doonaaya ee wada,

Daliilkuu u haystiyo,

Duubkuu u xidhan yahay,

Dabarkuu inoo ruxay,

An ku labo-diblaynee,

 

Waxan uga dan leeyahay:

Daacadow ma-daaloow,

Dunbuqu qaado leeyahay,

Seefta dananta yayska leh?

Ma waxa lagu deldelayaa,

Danyartii iska lahayd?

Yaa lagu dilaayaa?

Haddaan duul Amxaaro ah,

Hubka lagu dabraynayn,

Daafaca cadaawaha,

Ciidammada dabkaw sida,

Ayaa lagu diraayaa?

 

Muxuu uga dan leeyahay,

Duul Alloow ninkii yidhi?

Miyuu nagu didsanayaa?

Dul ahaanba Madaxweyn,

Dalka iyo dadkeennaba,

Loo doortay weeyee,

Ma Duquu xigsanayaa?

Oo naga durkinayaa?

Waxay daarran tahay baa,

Haddaa loo kitaab-deyi,

Halkay doogtu jiiftuu,

Falax-falax dillaacshee,

Ilaahay ha daayee,

Duul Alloow sidiisaa,

Ma qof diiddan baa jira?

 

Dameer dabo nin haystoow,

Daamankaa la qaban jiray,

Cunaha aan dig siinnee,

Ma dakaamo weligii,

Waddaniguma daalee,

Qaysoow dalaandali,

Hawl-qaran u daaddihi,

Allaw daanyo-qaadoo,

Annagaa u dammiin ahe,

Dariiqii xaqa ahaa,

Dawgeedii mariyoo,

Dakanadeeda kii qaba,

Xoolaha dadweynaha,

Dooxatadu la tegayaan,

Halkay doogtu jiiftona,

Deelleey tixraacoo,

Waa marag ma-doontee,

U-dudduuc maxkamadaha,

Denbi-baadhisteenniyo,

Dalka nabad-suggiisiyo,

Dooc iyo dareenkeed,

Doodaha garsooraha,

Diintaba la kaashoo,

Dacwaddooda gaadhsii,

 

Waa duul walaalo ah,

Dantu waw dhexaysaa,

Doog iyo barwaaqiyo,

Deegaanta haradiyo,

Dabo-dheer abaartiyo,

Dagaalka iyo nabaddaba,

Dunji waa wadaagaan,

Dire-dire qabiil iyo,

Uma baahna duul-duul,

Waxay derejadood tahay,

Falax-falax hogguu degay,

Yamyam deriski uu dhigay,

Kadderena u daaddegay,

Dunjigood abwaannadu,

Bartay dacalka saareen,

Dir-soocdana u diideen,

Dawadii halkaasay,

Ila tahay dareenkay,

Dalka horumarkiisiyo,

Danwadaagta taladiyo,

Dimuqraad hirgelin iyo,

Sharci laga danbeeyiyo,

Dadka oo sinnaadiyo,

Daallinkaan ka qabanniyo,

Danaheenna Qarankiyo,

Aan ku duulno wadarnimo.

 

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)