Jaaliyadda Oromada Maraykanka oo cambaareysay dawladda Somaliland

Gobollada Somaliland oo guud ahaan laga bilaabay dib-u-celinta dadka u dhashay Itoobiya ee sharci darradda ku joogay, ayaa waxa dib-u-celintaas cambaareeyey jaaliyadda Oromada ee gobolka Minnesota ee Maraykanka.

Shir-jaraa’id oo ay qabteen hoggaamiyayaasha jaaliyadda Oromada ayaa waxay ku sheegeen in dib-u-celinta Oromada ay keeni karto xasiloon darrada ka dhex dhalata Soomaalida iyo Oromada oo ah laba qoomadood oo ood-wadaag ah.

Sidoo kale waxa maalmahan ay bulshada isku waydaarsanaysay baraha bulshadu kuwada xidhiidho in ay dawladdu aanay dib-u-celin Oromada oo kaliye e balse ay wixii dad ah ee sharci darro ku jooga waddanka ka mastaafuriso.

Maalmihi u dambeeyey xukuumadda Somaliland ayaa waxay dib-u-celisay tiro badan dad sharci darro ku joogay Somaliland kuwaas oo u badnaa Oromo.

bandhige@gmail.com