Maxkamadda Sare oo dhaarisay Xildhibaan cusub oo ka mid noqon doona Golaha Guurtida

Waxa maanta xildhibaan cusub ku biiri doona xildhibaanada Guurtida loo dhaariyey Axmed Cabdilaahi Cali Xuseen.

Dhaarinta xildhibaanka ayaa waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay  Maxkamadda Sare, oo kaas oo dhignaa sida tan:

Ujeedo: Dhaarin Mudane

Tixraaca sumadeedu tahay CG/JSL/10/01/2016 Ee ku taariikhaysan 23/01/2016, kuna saabsan buuxin xubin ka banaanaatay Golaha guurtida ee uu noo soo qoray Guddoomiyaha Golaha Guurtida.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare: waxa uu maanta oo ay taariikhdtu tahay 24/01/2016 ku dhaariyay Maxkamadda Sare Axmed Cabdilaahi Cali Xuseen, dhaarta Ku xusan Qodobka 129 aad ee Dastuurka Somaliland, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 24/01/2016, saacaduna tahay 09:50 wuxuu ka mid noqonayaa Mudanayaasha Golaha Guurtidda Somaliland.

 

ALLAA    MAHAD   LEH.

Prof: Aadam Xaaji Cali Axmed

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.