Xaalada abaareed oo ka jirta Balli-Cabane

Cali Xaaji Cabdi “Cali Yaanbo” oo ka mid ah Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ka warbixiyey kormeer uu ku soo deegaano ka tirsan Balli-Cabane ee Gobolka Hawd.

Cali Yaanbo oo warbaahinta u waramay ayaa sheegay in Jiidaha hoos taga Ballii-Cabane ay ka Taagan tahay Xxaalad abaareed oo saamayn ku yeelatay nolosha dadka iyo duunyaba.

Waxa uu sarkaalkani xusay in Deegaanka Balli-Cabane oo Koobsada deegaamo door ahi ay ku soo hayaameen Xoolo dhaqato tiro badan taasina ay keentay in uu idlaado daaqii iyo biyihiiba, Waxaanu ka dayriyey in haddii xaaladan wax laga qaban waayo ay saamayn togan ku yeelanayso nolosha bulshada Deegaankaas oo u badan Xoolo dhaqato iyo beeralay.

Cali Xaaji Cabdi “Cali Yaanbo” Waxa uu intaas ku daray in sidoo kale Balli-Cabane ay ka aradan tahay adeegyada aasaasiga ah ee nolosha bulshada  u baahan tahay sida Caafimaadka,Waxbarashadda iyo Wixii la hal maala taasina ay ka dhigtay deegaanka mid ka danbeeya deegaanada kale ee waddanka.

Gabagabadii waxa uu Cali Xaaji Cabdi “Cali Yaanbo” ugu baaqay Hay’adaha, Ganacsatada iyo dawladdaba ee ay arrintani Khusayso in ay xil iska saaraan wax la qabashada bulshadda ku dhaqan deegaanada Balli-Cabane.

 

bandhige@gmail.com