Washington: Xafiisyada iyo dugsiyada oo la xidhay

Roobab baraf iyo dabaylo wata oo ka da’ay Maraykanka kuwaas oo sababay dhimasho gaadhays 24 qof.

Iyadoo la bilaabay nadiifinta barafka ayaa waxa sii xidhnaan doona maana oo isniin ah xafiisyada dawladda iyo iskuulada.

Iyadoo guud ahaan iyadoo barafku saameeyey gobollo badan oo Maraykanka ah, ayaa waxa haatan dawladda bilowday diyaarinta saddexda diyaaradeed ee Washington leedahay.

Sidoo kale dadweynaha ayaa bilaabeen in guryaha hortiisa iska guraan barafka, inkastoo gurista barafku qaadan doonto maalmo taas oo ay sheegen saraakiish ciidanku.

bandhige@gmail.com