Curadkii Curinta: Calan-side Cali Sugulle Cigaal 1939-kii – 2016-ka, Q.8aad (WQ: Boobe Yuusuf Ducaale)

“Waxan waayey, waayeel murtida, waajibkeed gudaye,

Waxan waayey, waadiga hiddaha, weel nin noo dara e’,

Waxan waayey, ruux loo wakiyo, wiiqii bawdada e’,

Waxan waayey, ruux lagu wardiyo, weedhuhuu yidhiye,

Waxan waayey, wabarkii tixdiyo, wadanaheediiye,

Waxan waayey, waradii hiddaha, waayo-araggiiye,

Waxan waayey, wadihii wan-qalay, wowga dirireede,

Waxan waayey, wadhi kii ku dhigay, gaalkii wicilkiiye,

Waxan waayey, webi dhaqanku laa, oo ka wabax laaye,

Waxan waayey, wiilkii indhaha, waaxda maqalkiiye,

Waxan waayey,lama waarayee, waafi Dun-carbeede,

Waxan waayey, waaniye jeclaa, wadar dadkiisoo dhan.,

 Tuduc ka mid ah Maansada Baroor-diiqda ah ee Xasan Daahir Ismaaciil, Weedhsame,

Hargeysa, 23/1/2016ka,

Maansada Maxaa daran, maxaa dan ah!

Danniga iyo tuhunkaa,

Denbi ugu horreeyoo,

Markuu diiday Nebigii,

Ibleys waa la doorshoo,

Intuu Xaawa duufsaday,

Waa tay ciinka daaqday,

Aadan kuma dukhuuleen,

In uu ciinka daaqoo,

Dabadeedna eedee,

Jannada dibad-baxeedii,

Dunida imashadeedii,

Diimihii la soo rogay,

Ummadaha u soo degay,

Nebiyada la soo diray,

Doonnanta oggolaatiyo,

Diiddan ka hor timaddaba,

Wuxu uga dan leeyahay,

Allaw daanyo-qaad ah e’,

In ay noo daliishaan,

Wadaaddadaa isku deyi jiray,

 

Hadday dabinka dhowreen,

Jidkii doc uga leexdaan,

Door-roonaheedaa,

Bulshadaw damqanayoo,

Dabuub samato-bixisuu,

Dejiyaa abwaankuye,

Maxaa daran maxaa dan ah,

Deeqdii Ilaahay,

Waxa wada dabeylaha,

Risiqu waa daruuraha,

Iyo doogga soo baxa,

Hadba waxay ku da’ayaan,

Meeshuu la doonee,

Halka uu u diidona,

Waa laga duwaayaa,

 

Dunida iyo dalalkuna,

Way kala danbeeyaan,

Dedaal baa is-dhaafshoo,

Daryeelkoodu kala roon,

Dadku kala aqoon badan,

Deeqduna u kala qoran,

Daa’in baa u qaybshoo,

Looxay ku duugnayd,

Xaasidnimo la daahiyo,

Xanina waa inaga duub,

Ma dadkaynu qalannaa?

 

Waxaw daran waxaw dan ah,

Dabuub samato-ixisuu,

Dejiyaa abwaankuye,

 

Murti daaddahaysoo,

Daad-guraysa moodkoo,

Dalandalisa noolkaa,

Dawaadda iyo qalinkii,

Taariikhda ugu daabacay,

Daliilkeedu wuxu yahay:

Deggenaanta nololeed,

Il-baxnimada doorka ah,

Quruumii u duur-xulay,

Dugaalkii magaalada,

Duddadiyo farsamadiyo,

Dugsiyada waxbarashada,

Ka-baaraan-deggeedaba,

Carro-edeg degaankeed,

Xeebta degelladeediyo,

Dalagga iyo beeraha,

Lagu dab iyo reer-keen,

 

Dabbaal-barashadiisii,

Damac iyo hunguri iyo,

Dooc baa horseedoo,

Intuu daadshay shebegguu,

Mallaygiina soo dabay,

 

Diilalyada harraadkiyo,

Diihaalka gaajiyo,

Baahi in uu ka doogsado,

Intuu doonyo suubsaday,

Dawyada bad-weyntuu,

Dekedo u samaystoo,

Doc kasta u galaa-baxay,

 

Duruuftaa qasbaysoo,

Daryeelka isu dhiibee,

Dalandoolki wala arag,

Qof waliba dagaalkii,

Iyo doorki uu galay,

Daalacan u gee dedan,

Dabo-dhilif gumeystiyo,

Dibusocod qabiil iyo,

Dakaniyo tixraaceed,

Soomaalida daraaddeed,

Immisaa is-duudsiyay?

Dumarkiyo raggeedaba,

Darxumiyo dhibaatiyo,

Dood iyo dagaal galay,

Dahabka iyo lacagtii,

Duunyiyo naftii huray,

Daryeelkiyo danaha guud,

Shantoo la isku soo daro,

Durbaankii xornimadee,

Dawankiisa lagu kacay,

Deddo-gooyayaashii,

Kala-debecsan beeshii,

Kala-daadsanta ahayd,

Sida ul iyo diirkeed,

Isku-duuban laga dhigo,

Isku-soo-darkeedii,

Dooddeeda Maandeeq,

Kii lagu dugaashee,

Isku soo duwaan ahay,

 

Iyadoo daruur u eg,

Xiddigtii dagaaree,

Calanka loogu daabacay,

Dulucdi loogu talo-galay,

Dacalladi shan-geesleey,

Dadka iyo danteenniyo,

Dalkeennoo midoobaan,

Is-la deydeyaayee,

Dayaxeennu waa dhicis,

Dirirkuna dhammays noqoy,

Sida daadka hawlaha,

Doc kastaba igaga yimi,

 

Dawlad iyo xil-qaadkeed,

Dastuurka iyo xeerkeed,

Door-roonayaasheed,

Duco iyo habaarkeed,

Daacaddiyo khiyaamada,

Dulmiga iyo eexada,

Dusduskii qabiilada,

Doog iyo abaarleey,

Dugsi iyo dabeylleey,

 

Danbaysiyo horraysaba,

Digo-rogashadeediyo,

Dar Ilaahay maansada,

Diiwaanki af-tahamada,

Dawaadda iyo qalinkii,

Weli ways dul yaallaan,

Qof waliba dedaalkii,

Degdeg iyo horuu-durug,

Dibudhac iyo daahniin,

Dorraad iyo wixii shalay,

Haddii maanta lagu daro,

Daalacan u gee dedan,

Daawashada hummaagga ah,

Isu qaybi daymada,

Demmenaha dhac uga sii,

Daacaddaan hungoobin e’,

Yididiilo durugsani,

Dabinnada khiyaamada,

In ay duulin karayaan,

Halkay doogtu jiiftona,

Kuwa deydeyaayiyo,

Kuwa naga duwaayoow,

Dawadeedi baan helay,

Dabiibkeedi baan ahay,

 

 

 

Magac baa la duugee,

Dirkeedii qabiiliyo,

Daamaannaddeediyo,

Isu diir-naxeedaa,

Danbas dhuxusha la huwaday,

Waxay degemsanaataba,

Duluc-furatay maantee,

La ye digo nimaan gelin,

Sugaaloow dab muu gubin,

Daliilkeedu wuxu yahay:

Aqal labo-deryaale ah,

Dadabtii la kala rogay,

 

 

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)