Cuudkii Cidlada ka bidhaamay! “Taxanaha Calaf-seeg” Q: 1aad (WQ: Xasan Cabdi Shire)

 

Xigsiinsan ayaa loo bixiyey ‘Xikma’ oo hoos ugu yarayd Sareeddo, ka dib, geeriddii walaasheed oo mugdi ribban iyo habeen darran u ahayd- labada qoys ee ay mid-na u dhaxday, mid-na ay ka dhalatay. Sareeddo waxay ahayd curad suubban iyo barbaar firfircoon oo reerkooddu ku badhaadhay oo kumanaan caruur ah’ oo aynigeed ah, ka ayaan badan. Waxay dhalatay dhamaadkii dirraacdii siiga-dheer oo ahayd dhibaatadii ugu ba’nayd ee waqeed ka dhacda deggaanka cadcaddalay. Hooyaddeed xaddiyo geeri iyo nolol bay u dhexeysay intii ay uurka u lahayd, ka dib, markii nafaqo-darro baahsan oo ka dhalatay- abaartaa gaatamadda ah’- ay darteed safaro dhaadheer ay u gashay. Eegaas-na, qoyska sareeddiyo ku sii gaar ahayd.

Waagaas ay dhalatay Sareeddo, maalintii geyiga waxa lulli jirey siigo iyo surbacaad jiilaal oo ba’an. Habeenkiinna waxa afuufi jirey dabayl gabaddanno ah’ oo qalallan. Dharraartii ay ifka u soo baxday waxa cirku huwadday oo is ku gedaamay darruur iyo caad cad oo isku lamaan. Isla fiidkii xigay-na waxa hoorray hogol mahiigaan ah’ oo wada maashaysay guud ahaan dunnidda, gaar ahaanna, deggaanka “Cad-cadayleey” oo xiligaa dadka intiisa badanni ka wada hayaameen; gaar ahaan wixii haystay gaaddiid ay guurraan, sida: gurgurshaa awr, faras iyo dameer, kunna gaadhaan meelo baad & biyo leh’ oo la ga sii raacayey xoogaa ununnuf dayreed ah, hasayeeshee, ceelal qoddaal ah’ oo biyahanna la ga dhaansaddo iyo xoollahanna la ga waraabsaddo leh. Reer Guuleed oo ahaa qoska Sareeddo iyagga waxa ka dhamaadday- dhamaan gaadiidkii ay ku guuri lahaayeen, “waanna sababta ay halkan’Allahood u gu baryayeen’ oo u gu negaaddeen”.

Curasahdii roobkaas habeennimo iyo waqtiga oo aannu weli soo marin xiddigii saraareeddo ayaa waxa is-qabsaday barwaaqo oogo iyo bannan-ba la isaga soo wada guryo-noqday. Sareeddo waxay la kowsatay nimcaddii gu’ga. Juddiiba, xoollaha ayaa naqa wada goostay ‘gaane iyo irmaan-ba oo wada naaxay’, dhaqayo iyo dhalyo-na wada darrarray. Sareeddo-na, durba, waa taa ka harqatay danbarkii iyo xoorkii la ga dhiijiyey xoollahaa. Durba, waa taa kobbocday iyaddoon la moodin in ay dhashay hooyo nafaqo darro weligeed haleeshay. Durba, waa waa kuwaa jiidh dhallaan iyo butucsanaan dhaylo ay jidhkeedda wada xulleen.

Dadka deggaanku waxay u gu yeedheen “Barwaaqo” laakiin hooyadeed ‘xaddiyo’ ayaa u gu magac-dartay ayaydeed hooyo oo “Sareeddo dheeg” la oran jirey, oo dhowaan aakhiraysatay. Quruxda sareeddo waxay ahayd mid dabiiciya oo ay kabtay daryeelka hooyaddeed la garab-taagnayd had iyo gooraale. Hannaan wanaag jidheed ayaa sareeddo ka soo bidhbidhayey gu’ba, gu’ga ka danbeeya. Taa soo sii hurisay hadal-haynta Sareeddo guud ahaan deegaanka cadcadaley.

Sababtaas, baa barbaar wal oo filkeed ahaa u gu haddaaqay oo u gu hanqal-taagay. Jeerkaasna, ay quruxdeeddu noqotay, sidii laan ka lullata laag ka soo deldellan jarrar-buureed. Dadka badankiisanna ku noqatay laab-lakac aan lahayn rajo iyo yadadiilo la hawaysto toonna. Inkastoo aay ku noolaayd beryahan danbe magaallo aan ahayn hoygii ay ku dhalatay, haddanna, booqasho xiise leh ayay ku iman jirtey deggaanka Cadcadaley, u gu yaraan halmar sanadkii oo ka dhigan hawa-geddis iyo dal-barasho labada-ba.

Gabadhnimadeeddii markii ay qaan-gaadhay waxay lahayd qurux shidan. Waxa u dheeraa filasho togan iyo hammi aad u sarreeyay, waxayna badheedh iyo wacad ku martay inay doorashadeeddu tahay xulasho ku salaysan qiimo iyo qofnimo ee aannay ahayn maal iyo mood midkood-na. Muddo markii ay magaalladda joogtay, wax-na ku baratay oo cilmi ahaan iyo akhlaaq ahaan-ba ku dhisantay, ee ay heshay garaad buuxa dhankasta-ba. Ayaa waxa isha la-isgeliyay Warfaa oo la is-bartay oo ahaa jaar aan waligiis ka fogayn gurriga Sareeddo ilaa iyo berigii ay miyiga wada joogeen.

Xaafadda ay sareeddo ka soo jeedo oo lagu yaqaanay wanaag iyo degannaansho qoysnimo. Tobban sanno hortood ayay ahayd markii “Xaaji Warfaa” u goggol fadhiistay sareeddo oo ka doonnay aabaheed guuleed. Waa tii, geed hadhaca oo kashkaashan gadhgaydh labadda dhinac ahi’ is hor fadhiisteen oo sareeddo is ku waydiisteen. “Kaftan iyo af-gobaadsi ararreed ka dib, xaaji faarax oo ah inaadeerka warfaa ayaa hadalka bilaabay oo yiri: arrin dhaqan ayaannu idiin la soconnay oo weligeed-ba innaka dhexaysay–weeye– sareeddo guuleed ayaannu idinka doonnay oo weli-ba waxannu u rabnaa in aad xaaji warfaa u gu ducaysaan”. ” boos oo guuleed walaalkii ah’ ayaa hadalkii qabsadday, wuxuu hadba hoga-tusaallayn iyo duurxul dhaqan ku jalbeebbiyo gololihii ayuu jawaabtiisa ku soo af-meeray geba-gebaddii oo yiri: arrintaa aad noola timaaddeen waannu idinka aqbalnay, gabadhiinna waanu idin siinnay. Waa tii sareeddo howraar iyo hooshaar gobeed la gu ka la guddoonsadday. Waa tii gacmo gacaltooyo madashaa la isku waydaarsadday, wixii yarrad iyo gabbaati ahaanna la ka la qaatay.

Waa tii geedkaa barakaysan sareeddo loogu guuriyay warfaa oo loogu maamusay si’ sharaf, xigtaysi iyo is-aqooni ku dheehannayd. Aroos gengingiman oo guunyo xoolaad la gu xeeray waa tii la gu gelbiyey daddab-galka Sareeddo iyo Warfaa. Intaa ka dib, waa tii ay galeen sareeddo iyo warfaa nolol barwaaqo soorran ah oo la gu balaysimay raas barkhad leh. Sareeddo-na waa tii noqotay boqorad lagu soo wada horraddo oo sokeeye iyo xidid-ba isu soo wada dhowaysay. Waa kuwii badhaadhe aan ilo dhaqaale oo la arki karro lahayn gurri loo gu al-kumay. Kaa soo noqday baro la gu raysto oo qof tabaalaysan, mid baahan, mid habaqle ah iyo mid marti kale ah-ba’ ay ku soo wada hirtaan oo judhiiba ay gaarrinnimadda sareeddo qalbigeeddii u gu fidisay.

La soco qaaybta 2aad…………

WQ: Xasan Cabdi Shire