Yugaadha, dadku hore uma hoydaan waanna la saamalaylaa! Maqaaxiyaha, hudheelada iyo meelaha kale ee lagu caweeyaa waa kuwo markasta camiran, oo aan hore looga hoyan.
Caweyska habbeenimo waxa dhib ku haya korontada sida joogtada ah u tagta, oo dhaqaaq kasta joogsi gelisa. Wallow dalku leeyahay biyo-xidheen balaadhan oo ku yaal bar-bilawga Webiga Niil ee Magaaladda Jinja, haddana waa mid aanay dawladdu si weyn iskaga xil-saarin. Waanna marka aad xaqiiqsanayso in aad weli Afrikadii Madoobayd dhex joogto!
Durba laba habbeen ayaa tagay, anigga oo la ashqaraarsan dalka qurxoon, ee markasta rooban. Habeenkii saddexaad, waxa laygu casuumay “Chicken Tonight”, waa mid ka mid ah maqaaxiyaha camiran ee addeegoodu shaqeeyo maalinkasta, kaabigana ku haysta Jaamacadda Caalamiga ah ee Kampala. Waxa ay caan ku tahay digaag shiilan oo aad u macaan oo qiimo jaban. Sidoo kalena nadaafadeeduna waa meel ku raali-gelinaysa.
Xasuustayda marnaba kama baxdo sida uu habeenkaas ii baray nooc ay tahay bulshada reer Yugaandha. Waxaa na soo dul is-taagtay mudalabkii naga qaadayey codsiga. Waa gabadh xidhan surwaal madow, garan gacmo gaab ah oo magaca meheradda lagu xardhay. Waxa aan ka dalbaday digaag iyo barandho shiilan. Dabadeedna waraysiggii iyo sheekadii ayaan iska sii bilaabanay. Waxa aan uga warbixiyey ardaydii I soo dhawaysay, xaaladda dalka oo ay xiiso gaar ah u qabeen.
Muddo aan ku qiyaasay saacad kadib, ayey gabadhii mar labaad na soo dul is-taagtay. “Maxaad dalbateen?” ayey dib noo weydiisay. Aniga oo yaaban, ayaan inamadii dib u eegay! Markale ayey dalabkii naga qaaday. Iyada oo naga sii maqan labaatan il-bidhiqsi ayey mar saddexaad dalabkiina weydiisay. Waa se weydiin ‘badatay’ oo iga lumisay hammuuntii aan cashada u qabay. ‘Saan-buuse laga eedamay’!.
Haddii aad jeceshahay in wax kasta deg-deg laguugu dhameeyo, Yudhaanda taas lagama yaqaan. Waa bulsho daalan oo firfircoonida Soomaalida aan isla jaan-qaadi karin. Goob kasta oo aad adeeg uga baahato, waxa aad is huran tihiin safaf dhaadheer iyo shaqo raagta oo aan hufnayn.
Gadiidka dadweynaha ee waddanku waa kuwa ku xiiso gelinaya. Waxa magaaladda u kala dhex shaqeeya basaska yar yar ee “Caasiga”, kuwaas oo ay u yaqaanaan “Matatu”. Waa gadiid jaban, bal se qiyaastii saacado badan la dhex fadhiyo, oo wadooyinka samxada badan iyo cidhiidhiga aanad ka dabaalan karin.
Haddii aad taqaanay in gaadiidka dadweynaha ee aynu Hargeysa isticmaalo, dadku kaftamaan, kanna doodaan kolba sheekooyinka maalinlaha ee dalka ka jira. Haddaba, taas waa ceeb. Dadku marka ay soo koraan gaadiidka, labada indhood bay isku qabtaan, manna hadlaan ilaa ay gaadhaan halkii ay u socdeen.
Samxadda gawaadhida haddii aad raagsatid, waxa aad ku boodi kartaa gaadiidka mootada, oo dalka caan ka ah, loona yaqaan “Boda-Boda”. Ma joojiso ishaaradu, meel kastana way ka dustaa.
Marka aad dhex lugayso suuqa weyn ee magaaladda Kampala, ayaad si weyn u baranaysaa debciga nololeed iyo fakarka bulshadda Yugaandha. Waxa wadooyinka hareeraheeda daadsan, oo lagu iibiyaa, wargeysyada maalin laha ee dalka ka soo baxa, sida: Daily Monitor, New Vision, Red Pepper iyo weliba qaar kale oo badan.
Waa wargeyso si qurux badan loo daabaco, kuna soo baxa luuqadda Ingiriisiga. Daily Monitor waa wargeys madax bannaan oo soo tebiya dhacdooyinka dalka, isaga oo aan waxba ka baqan. New Vision waa ka dawladda, waa se wargeys si xiiso leh uga faallooda arrimaha siyaasadda, nolosha iyo jacaylka. Red Pepper oo ah wargeyska saddexaad ee dalka ugu weyn, waa mid af-dheer, oo aan waxba ka xishoon, si ‘qaawana’ uga faallooda arrimaha jinsiga la xidhiidha.
Yugaadha, waa bulsho qiyamka iyo asluubteeduba sii yaraanayso, oo u muuqata in ay ka xuubsiibanayso dhaqankii rasmiga ah ee Afrikaanimo. Waxa aad arkaysaa wargeyso dalka ka soo baxa oo si toos ah u soo sawira qaawanaanta dumarka, dabadeedna faaleeeya. Filimaanta jinsiga iyagu meel kasta waa ay daadsan yihiin, laguna iibiyaa.
Doorka diimuhu waa mid aan ka muuqan duruufaha dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalka, keliya waxa ay ku kooban tahay meelaha lagu cibaadaysto, sida Kiniisadaha iyo Masaajidada. Sidaas darteed, khilaafka diimaha ku salaysan kama jiro dalka, dulqaadka ay dimuhu isku hayaana waa mid soo taxnaa muddo ku dherer qarni.
La soco qaybaha dambe haddii Alle idmo.
Halkan hoose ka akhri maqaaladii hore ee uu qoray Cabdiqaadir Askar:
Daa’uuska Afrika- safarkaygii dheeraa! Q3aad
Daa’uuska Afrika- safarkaygii dheeraa! Q1aad iyo 2aad
Cabdiqaadir Dayib Askar waa barre jaamacadeed oo takhsuskiisu yahay Xidhiidhka Caalamiga Iyo Diblumaasiyadda. Kala xidhiidh e-mailkiisaabdikadiraskar@gmail.com amma booqo degelkiisawww.siraskar.wordpress.com