Taxanaha cibrada nolosha (qisooyin cajiib ah): Qisada 11aad (WQ: Cabdi Caawiye)

 

Waqtigii Cumar Binu Al-Khadaab RC, uu Xukunka Islaamka haayey, ayaa saddex qof waxey hor keeneen Cumar binu Khadaab nin dhallinyaro ah, waxey ku yidhaahdeen:- Cumaroow Ninkaan waxaan Rabnaa inaad noo qisaasto waxa uu diley Aabaheen.

Cumar baa Ninkii wuxuu ku yidhi:- Maxaad u Dishey Aabahooda?.

Ninkii wuxuu yiri:- Waxaan ahey nin geel-jire ah oo geel iyo adhi ayaan meel daajinayey, neef geel ah oo ka mid ah kuweyga ayaa waxaa uu daaqey geed ku yaal dhul uu leeyahey Odeygu, dhagax ayuu qaatey markaas buu ku dhuftey neefkii geela ahaa, wuuna dhintay, aniguna isla dhagaxii baan qaatey oo ku dhuftey markaas buu isna dhintay.

Cumar Binu Khadaab RC, waxaa uu yidh: Haddaba waxaan kugu qaadayaa xadka.

Ninkii baa yiydh:  Saddex casho i siiya waayo Aabehey ayaa geeriyoodey wuxuu nooga tagey hanti Aniga iyo Walaalkey iga yar, haddaad i disho hantidaas wey lumeysaa iyo walaalkeyba.

Cumar baa yidhi: yaa ku damiinanaaya?.

Ninkii baa eegay wajiyada dadka joogey goobta markaas buu yidhi:- Ninkaas oo uu ku fiiqay farta saxaabigii weynaa ee Abuu Dar.

Cumar wuxuu yidhi: Abuu Dar, Ninkaan ma damiinaneysaa?

Abuu Dar waxaa uu yidhi: Haa, Amiirki Mu’miniintoow.

Cumar waxaa uu yidhi: Adigu ma taqaanid, haddii la waayo adiga ayaa lagugu qaadayaa xadka (Dilka).

Abuu Dar wuxuu yidhi:- Anaa damiinanaaya Amiirkii Mu’miniintoow.

Ninki waa la fasaxay, wuuna baxay, maalintii Koowaad waa dhammaatey sidoo kale tii labaad iyo tii saddexaadba waa ay dhammaadeen dadkoo dhan waxey u cabsoonayeen Abuu Dar, si aan loogu qaadin xadka (Dilka).

Haddaba, wuxuu waqtigu is guraba waxaa la gaadhay xilligii ay qorraxdu dhaceysay, oo Abuu Dar, ayaa la sugayaa in xukunka lagu fuliyo ileen ninkii lama hayee. balse Illaah mahadiis goor ay qorraxdi dhaceyso oo ay maqrib tahay ayaa waxaa meel aad u gog, oo saxaraa ah wxaa ka soo muuqday nNinkii la wada sugaayey isagoo uu ka muuqdo daal iyo safar dheer ayuuna soo hor istaagay Amiirkii Mu’miniinta ee Cumar Binu Khadaab RC, isagoo dhahaayo:- Waxaan u dhiibey hantidii iyo walaalkeyba Abtiyaashiis, haddana waan kuu Imid si aad iigu qaadid xadka (Dilka) Amiirkii Mu’miniintoow.

Cumar wuu yaabay, waxaana uu su’aalay ninkii, wuxuuna ku yidhi:- Maxaa ku soo celiyey waxaa suurtagal aheyd inaad baxsatide.

Ninkii baa ku jawaabey:- Waxaan ka baqay in la yidhaahdo  dadka Islaamka ah dhexdooda waxaa ka dhammaaday oofinta ballanta.

Cumar misana wuxuu Su’aalay Abuu Dar oo uu ku yidhi:- Maxaad u damiinatay ninkan adigoon wax aqoon ah u laheyn yaa Abaa Dar.

Abuu Dar baa ku jawaabay:- Waxaan ka baqey in la dhaho dadka Islaamka ah Dhexdooda waxaa ka dhammaaday khayrkii iyo naxriistii.

Intaas ka dib, waxaa qisada la yaabay wiilashii Aabahood la dilay oo waxey yidhaahdeen waan cafiney ninkaan, waxna uma qabno.

Cumar ayaa Su’aaley Wiilashi oo ku yidhi:- Sabab, maxaadse u cafiseen ninkaan oo Aabihiin dilay ?.

Wiilashii ayaa waxay ku jawaabeen:- waxaan ka baqnay in la dhaho dadka Islaamka ah dhexdooda waxa ka dhammaadey cafiskii.

ALLAAAAAAAH ALLAHU AKBAR BAL KA WARAMA DADKAASI SIDA SIDA AY U ILAALINAYEEN QIIMAHA DIINTA ISLAAMKA.

WALAAAAAAL WAA IN AYNU KU CIBRO QAADANO OO AYNU SIDAAS OO KALE UGU DHAQANAA DIINTA ISLAAMKA.

Hoos ka akhri qaybe hore oo qisadan ah:

Taxanaha cibrada nolosha (qisooyin cajiib ah): Qisada 10aad

Taxanaha cibrada nolosha (qisooyin cajiib ah): Qisada 9aad

Taxanaha cibrada nolosha (qisooyin cajiib ah): Qisada 8aad

Taxanaha cibrada nolosha (qisooyin cajiib ah): Qisada 7aad

Taxanaha cibrada nolosha (qisooyin cajiib ah): Qisadii 6aad

Taxanaha cibrada nolosha (qisooyin cajiib ah): Qisadii 5aad

Taxanaha cibrada nolosha (qisooyin cajiib ah): Qisadii 4aad

Taxanaha cibrada nolosha (qisooyin cajiib ah): Qisadii 1aad

 

Qalinkii Cabdi Caawiye   telephone  +252634115877