Xaaska Madaxweynaha Nayjeeriya waxay sheegtay in aanay taageereyn seygeeda haddii uu mar labaad is sharaxo

Xaaska Madaxweynaha Dalka Nayjeeriya Caasha Buhari ayaa sheegtay in aanay taageerayn saygeeda haddii uu isa-sharaxo doorashada dambe ee dalkaasi.

Caasha ayaa intaasi raacisay kaliya in ay taageeri doonto Madaxweyne Buhari haddii uu isbadal muuqda ka sameeyo dalka Nayjeeriya.

Caasha Buhari oo waraysi siisay BBC-da ayaa sheegtay in madaxweynaha uu xilal u magacaabay shakhsiyaad aan aaminsanayn afkaarta xisbiga talada haya ee APC.

Waxay kale oo ay sheegtay in madaxweyne Buhari looga baahan yahay in uu dhageysto taageerayaashiisii ka caawiyay in uu ku guulaysto madaxtinimada dalka laba sanno ka hor.

Weriye ka tirsan BBC-da oo ku sugan Abuja ayaa sheegaya in xaaska Madaxweynaha Nayjeeriya ay u muuqato in ay u hadleysay dad taageersan madaxweyne Muxamadu Buhari oo filayay in xilal loo magacaabi doono kadib markii la doortay madaxweynaha balse aan xilalkaasi helin.

Xigasho: BBC Soomaali.

bandhige@gmail.com