Dadka doofaarrada noqday (W.Q. Nuur Xaaji Xiiray)

Maxaad ka taqaan dadka doofarrada noqday, dadka dhaqan ahaan ay mudan tahay in aad iska ilaaliso in aad la dhaqanto ama aad la saaxiibto. Maxaa yeelay dee waa ba doofaar.

Soomaalida ayaa tidhaa doofaar waligii ma daahiro. Midda kale diin ahaana maba daahiro haddii aad toddobada badood ku maydho, dee waa ba doofaar.

In badan baan is idhi bal la dhaqan malah wuu is beddelaye, haddana halkii uun buu ka miisaa illayn waa doofaare. Ma doofaar baad u taag heli? Waad waaninaysaa bal waxaad is odhanaysaa waa intaas uu caqli u soo noqdaa, haddana halkii uun buu ka miisaa illayn waa doofaare.

Midda kale doofaarku dhaqano xun xun oo badan ayuu leeyahay. Waxaa ka mid waa xayawaanka aan hinaasaha lahayn. Dadkan doofarrada ihi maxramkood ayay dhaqannada xun xun u diraan oo ay yidhaahdaan hebel sidaa ku samee. Dee waa doofaar mushaharka yar ee la siiyo ayaa wax walba kala weyn. Dadkan doofarrada ahi inta ay soo galaan meelaha cibaaddada loogu tala galay ayay dadka ku dhibaan.

Akhriste malaha waxa aad is waydiinaysaa cidda ay yihiin doofaarradani.

Aan kuu sheegee doofarradu waa dadka xubin ka noqda ururrada qarsoon. Ururradaa qorsoon mujtamacaadka adduunka oo dhan bay ka jiraan, innaguna mujatamcaadka aduunka ayuun baynu ka mid nahay.

Haddii aan kuu yara tilmaamo waa kuwa shaadhadhka kala duwan xidhay ee nolosheenna hoggaaminaya dhinaca aad eegtaba.

Yaa innagaga tagay ama aasaasay? Soomaalidaa waxay tidhaa, ayax tag eelna reeb. Waxaa innagaga tagay saancaddaalihi oo waa kuwaa wali isa sii dhalaya. Qaar baa moodaya inay xoroobeen, waar wali maad xoroobin. Waad hurudaaye toos inta ayna suurtu kugu dhawaaqin.

Nuur X. Xiiray
Nur.hersi21@gmail.com