Madaxweyne Siilaanyo oo hoggaaminaya wefti ballaadhan ayaa u safray Imaaraadka

Madaxweyne Siilaanyo oo ku socda diyaaradda uu raacayo

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo hogaaminaaya wefti ballaadhan ayaa u kicitimay maanta Imaaraadka Carabta kadib markii ay martiqaad rasmi ah ka heleen dalkaas sida lagu xusay war-saxaafadeed uu na soo gaadhsiiyey Xoghayaha Gaarka ah ee Xafiiska Saxaafadda Madaxtooyada Naasir Yuusuf “Naska”.

Safarka madaxweyanuhu wuxu qaadan doona dhawr maalmood. Intii aanu madaarka caalamiga ah ee Cigaal ka duulin, wuxu madaxweynuhu saxaafadda xog ka siiyey ujeeddada socdaalka isaga oo  sheegay in ay Imaaraadka ka wada hadli doonaan sidii labada dal ay u sii xoojin lahaayeen xidhiidhka u dhaxeeya iyo una sii wadi lahaayeen wada shaqayntii walaaltinimo ee horeba ay u wada lahayeen. Sidoo kale wuxu salaan sharaf ka qaatay qaybo ka mid ah ciidamada oo ay wehilayaan taliyeyaashoodu.

Madaxweyne Siilaanyo wuxu la sii hadlay saxaafadda ka hor intii aanu Imaaraadka u duulin
Madaxweyne Siilaanyo wuxu la sii hadlay saxaafadda ka hor intii aanu Imaaraadka u duulin

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu sheegay in ay Imaaraadka ka wada hadli doonaan mashaariic dhawr ah dadka iyo dalka Somaliland.

Xubnaha madaxweynaha ku wehelinaya safarkiisa shaqo waxa ka mid ah:
1. Marwada Koowaad ee Qaranka Aamina Sheekh Maxamed Jirde
2. Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir “Cukuse”
3. Wasiirka Madaxtooyada JSL, Xirsi Cali Xaaji Xasan
4. Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha, Cali Axmed Cali
5. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Maxamed Warancadde
6. Wasiirka Khayraadka Biyaha, Baashe Cali Jaamac
7. Wasiir-Ku-Xigeenka Caafimaadka Xasan Daahir Dhinbiil
8. Xoghaynta gaarka ah ee Marwada Koowaad ee Qaranka, Sabaax Cali Diiriye

War-saxaafadeedku faahfaahin dheeraad ah kama uu bixin cidda uu Madaxweynuhu gaar ahaan ula kulmayo ee ka mid ah madaxda Imaaraadka iyo nooca ay yihiin mashaariicda laga wada hadlayaa.

Sidoo kale lama sheegin in uu la kulmi doono shirkaddii wada-xaajoodku ka dhexeeyey Somaliland ee DP World taas oo aan weli la isla meel dhigin heshiis kama-dambays ah.

????????????????????????????????????
Madaxweyne Siilaanyo iyo Ku-Xigeen Saylici waxay salaan-sharaf ka qaateen xayn ka tirsan ciidanka ka hor intii aanu weftigu duulin

????????????????????????????????????

bandhige@gmail.com