Tartan qur’aanka kariimka ah oo xaflad lagu soo gunaanaday

Tartan Qur’aanka oo bilihii u dambeeyey ka socday masaajidka Cali-Mataan uuna maalgeliyey telefishanka Universal ayaa Jimcihii la soo gabogabeeyey.

Xafladdii guuleysteyaasha lagu siinayey abaal-gudka oo lagu qabtay Maansoor Huteel, Hargeysa, waxa ka qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada oo ay ka mid yihiin Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji, Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Ahmed, Wasiirka Kalluulamaysiga Cali Jaamac Bureed, Ku-Xigeenka Hawlaha Guud Cali Cabdi Saa’iq, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Sheekh Aadan Cabdulle iyo marti-sharaf kale.

Waxa qur’aanka ku tartamayey 90 madarasadood oo buuxiyey shuruudihii looga baahnaa.
Wareeggii koowaad ee tartanka waxa ka qaybgalay 90 arday, kii labaadna 60 ugu dambayntiina waxa isku soo hadhay 12 arday oo saddex ka mid ahi ku guulaysteen kaalmaha hore.
Kaalinta koowaad waxa ku guuleystay Khadar Jaamac Faarax oo ka socday madarasada Tibyaan waxana lagu abaal mariyey 4,000,000 SLSh.
Kaalinta labaad waxa galay Cabdilaahi Ismaaciil Jaamac oo ka socdya madarashadda Abaa Hurayra waxaana la guddoonsiiyey 3,000,000 SLSh halka uu kaalinta saddexaad ku guulaystay Ridwaan Daa’uud Xuseen oo ka socday madarasadda Al-madiina, waxana abaalmarin ahaan loo siiyey 2,000,000 SLSh.
Sagaalkii arday ee saddexda u horreeya ku xigay iyagana lama qadin. Mid kasta waxa dhiirigelin ahaan loo siiyey $500,000.
Gunaanadkii xafladda waxa shahaadooyin la guddoonsiiyey shirkadihii gacanta ka gaystay tarnga oo ay ka mid ahaayeen Telesom, Shirkadda Tayo, hay’adda munadamutul dacwatuul Islaamiiya iyo Guddida Tartanka qiimaynaysay.