Xisbiga Kulmiye wuxu beeniyey qoraallo lagu baahiyey Facebook-ga oo loo adeegsaday magaca Guddoomiyaha

War-saxaafadeed fiidkii na soo gaadhay oo uu soo saaray Mustafe Iid Maxamed, Agaasimaha Xafiiska Maamulka iyo Xidhiidhka Saxaafadda ee xisbiga Kulmiye, ayaa lagu sheegay in si been abuur ah magaca guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi loogu isticmaalay bar ku taal Facebook-ga kadibna lagu faafiyey qoraallo been-abuur ah.

War-saxaafadeedku faahfaahin kama bixin nooca ay qoraalladaasi ahaayeen iyo cidda ay liddi ku ahaayeen.

War-saxaafadeedku wuxu u dhigan yahay sidan:

Waxa jirta in si been-abuur ah magaca Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi loogu isticmaalay barta bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebook.

Haddaba, xisbiga KULMIYE wuxuu u caddaynayaa bulshada iyo cid kasta oo wax lagaga sheegay qoraallada lagu baahiyey akoonkaasi Facebook-ga ee sida been-abuurka ah loogu isticmaalay magaca Muuse Biixi Cabdi in aannu lahayn Guddoomiyaha xisbigu.

Gabogabadii, waxaannu u sheegaynaa kuwa been-abuurka magacyada caadaystay in aanay waxba sidan ku yeeli karayn karaamada iyo sharafta madaxda qaranka ee ay lafahooda uga waantoobaan.

ALLAA MAHAD LEH
Mustafe Iid Maxamed
Agaasimaha Xafiiska Maamulka iyo Xidhiidhka Saxaafadda ee xisbiga KULMIYE.