Hiil Rasuul (Waxa curiyey Abwaan Saleebaan Carab Aw Siciid)

Abwaan Saleebaan Carab ayaa curiyey gabay cusub oo uu ugu magac-daray “Hiil Rasuul.”  Abwaanku wuxu xusay in gabaygan lagu difaacayo Rasuulkeena naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee isla markaana loogu talo galay in uu noqdo silsilad ay dad badani ka  qab galaan si loo muujiyo karaamada nabigeeni Muxamed ahaa (CSW).

Aduunyada rafaad baa ka jira ruq iyo laandayre
Rogmashada Islaamkii ku dhacay ragada loo gaystay
Ridadiyo warmaha lala dhacee rubadda googooyey
Raas raaska loo kala qoqobay reer iswada laayay
Rixim gooye raabsiga xigtada lagu rasaaseeyay
Waa waxa rafaadkiyo na baray raran colaadeede
Rarku qooqa gaaladu waxay nagu rabbaastaaba
Taangi reemay hawsari rakiban raxxan raxii miigga
Markab ragada tuuriyo sayruukh lagu rigaaxaayo
Rookadkiyo hubka iswada waxay inagu rushaysaaba
Rabley uur le raygali caddiban rogolka yool yoolka
Raqayha da’a weyniyo xumbili rimay waraabaaya
Raad qaadka maatida waxay waranka ruubaan ba
Intii hore dushay roorayeen sabada reerahee
Imikay rugtiyo soo galeen raacii sharafeedee
Rarradiyo waxay taagan yihiin lama rifaantiiye
Kaymo rays le raarida dugsoon ramashidii doogga
Rucub lulata reexaan udgoon raaxo kala jaada
Imikay rabaalada dhigteen radigii weynaaye
Raad hore ma soo galin halkay raxanka saareene
Rakadiyo waxay taagan yihiin rubadda feedhaha’e
Rabbi iyo rasuulkii mudnaa raaqishada diinta
Ruux gacmeedka reebada la qoro roomankiyo buugga
Aflagaado lagu reersadoo lagu riddaynaayo
Rinji cayaba lagu sharraxay nebigii roonaaye(csw)
Marka roboga diintiyo sharciga laga run sheegaayo
Rugta maalka raaliyo haween ubadka rooraaya
Ruuxdiyo naftaadu alluhu rabiga kuu siiyay
Rasuulkood jeclaataa ka mudan laguna reeyaaye
Raasamaalka iimaanku waa rucubta diineede
Kol hadii lagaa rido iyada ma lihid raandhiise
Ratti qooqay riiraash wajaqay ramalka waaloobay
Rogaal bahalle awrkuba markuu geella riminaayo
Rakaada iyo doobtiyo markuu ridayo baaruuda
Raray guuxay kuma soo dhaciyo karinle rooraaye
Rawistuu lisaayo ka biqi mici raarnayde
Racwi curatay raameel ilmaha ramashka loo saaray
Ransashada markay wayraxdaba raaf ku dhic waaye
Rabaaskiyo guuxuu ka biqi rabashka maagaaye
Roddobiga libaaxuba markuu dhalaha riixa

Abwaan Saleebaan Carab Aw Siciid
00 252 63 4146261
Hargeisa somaliland