Maraakiibta Midowga Yurub oo xalay badbaadiyey kumanaan tahriibeyaal ah

Maraakiibta Midowga Yurub ayaa hawlgal ay hal maalin sameeyeen waxa ay ku badbaadiyeen Ilaa 3400 oo tahriibeyaal ah oo ku qarqoomi lahaa badda Liibiya.

24-kii saac ee ina dhaafay waxa la sameeyey 15 hawlgal oo ay ka qayb qaateen maraakiibta Ingiriiska, Ayrishka, Talyaaniga iyo Jarmalku.

Tahriibeyaasha la badbaadinayey waxa ay saarnaayeen 9 doonyaha looxa ah ee lagu kalluumaysto ah iyo 6 doonyood oo yaryar oo u eg caag la buufiyey.

Ilaa hadda 100 ka mid ah tahriibeyaasha oo kaliya ayaa la soo gaadhsiiyey xeebta koonfureed ee Talyaaniga. Tiro kale oo baddana waxa lagu sii wadaa dekedaha Palermo iyo Trapani. Lama oga goorta inta kale la keeni doono Talyaaniga.

Xukuumadda Talyaaniga ayaa la daallaa-dhacaysa sidii ay arrinkan u maarayn lahayd, iyadoo la filayo tahriibeyaashan inta ugu badani in ay ku negaan doonaan dalkeeda.

Tiro lagu qiyaasay hal milyan oo qof oo raba in ay tahriibaan ayaa ku sugan Liibiya, taas oo ay macnaheedu tahay in ay shaqo badani u taallo maraakiibta Midowga Yurub xagaagan. Tirada sannadkan tahriibaysaa marka la qiyaasay waxay boqolkiiba 30 ka badan tahay tiradii tahriibtay sannadkii hore.

Ilaa 1800 ayaa ku dhimatay badda sannadkan gudihiisa, kuwaas oo ay ku jiraan 800 oo qof oo mar kaliya ku wada geeriyooday dooni dhacday, taas oo ahayd masiibadii ugu darnaynd ee bani’aadanimo ee ka dhacda wixii ka dambeeyey Dagaalkii 2aad ee Adduunka.

Masiibadaas ayaa keentay in maraakiibta Midowga Yurub ay gaaf-wareegaan badda u dhaxaya Afrikada Waqooyi iyo Yurub si ay uga hortagaan masiibo kale oo halkaas ka dhacda.

Tahriibeyaasha mara baddan Midhitereeniyaanka ayaa waxa ugu badan dad asalkoodu ka soo jeedo Ereteriyaan, Itoobiyaan iyo Soomaali kuwaas oo isku biimeeya badda si ay nolol dhaanta ta ay ka ordayaan uga raadsadaan Yurub.
Il-wareed: Aljazeera
bandhige@gmail.com