Runtii talaabada ay ku tulaabsadeen Maayarka Hargeeysa iyo inta hawsha la wadaaba waa wax lagu diirsado, horumarkuna mar kaliya ma yimaado ee waa wax socda, soomalida ayaa tidhaa dun dumo aboor ayaa dhisay waa yaab, candhuuftiisa ayuu ku dhisayna waa yaabka yaabkiis, maah maah ingirisi ah ayaa odhonaysa (Rome was not built in one day) macnaheedu magaalada Ruum maalin laguma dhisin, macnaheedu waxa weeyi horumarku mudo ayuu qaataa, hadii nin madax ah oo ina soo maraaba raad ka tagi lahaa waxbaynu gaadhi lahayn.
Suaashii aan u soo noqdo tolow dadkeenu ma istaahilaan in hadaba wadooyinka loo sameeyo. Bal aan isku dayo in aan ka jawaabo.
Waqtigii maamulkii Siyaad Barre anoo suuqa dhexe socda ayuu gaadhi Taxi ihi gabadh ku dhuftay inta uu kor u tuuray ayay badhijugleh u dhacday, waxaan dhagahayga ku maqlaayay dad ku leh kii gaadhiga watay waar isk soco waxba ma qabtee.
India iyo Pakistan ayaan arkay qofka dirawalka ihi marka uu qof wax yeelo naftiisa ayuu la cararaa, maxaa yeelay dadka halkaa maraaya ayaa markaliya gacanta saaraya.
Bal Labadaa shacab isu eega, maalinta wado la yara kab kabo inta dhacdo dhacda ( gabadh aanu jaar ahayn oo laba caruura lahayd wiil iyo gabadh ayaa maalin la kab kabay wadada xero awr bur si xun u socdaa gabadhii yarayd jiidhay, hooyadiina sidaa ku goblantay, soomalida yaa tidhaa hoyada aan gabadh lahayn waa goblan, aabaha aan wiil lahayna waa goblan) waad ogtihiin, markaa ma dadka caynkaa u fakaraya ayaa istaahila in wadooyin loo sameeyo. Anigu waxaan qabaa in aan wadooyin loo samayn, waayo ma istaahilaan.
Ma haboona, inta laga helaayo dadkaa sharci wax ka qabta in loo sameeyo wadooyin. Qofka wax inaga noqonaaya ayaa ka qaalisan wadada.
Nuur Xaaji Xiiray
nur.hersi21@gmail.com