Dhawrkii Todobaad ee aynu soo dhafanay Somaliland waxa ka bilaamay Duufaano dhanka siyaasadda ah Duufaanadan oo dhexmarayay Xibiyaadda Somaliland gaar ahaana labada Xisbi ee KULMIYE iyo WADANI iyada oo labadan xisbib midba ka kale uu u muujinayay in uu xilgan ka tageerayaal iyo awoodba badanyahay marka la eego kalsoonida shacabka oo ah mida ay ku kala najaxayaan Xisbiyadu marka ay gaadho xili doorasho.
Waxa aynu si dhaw diirada u saarayna isla markaana u falanqaynayna ficiladii Siyaasadeed ee u dhexeeyay labadan Xisbi gaar ahaana Magaladda Hargeysa ee Caasimadda Somaliland siyaasadahan oo markaliya bedeshay bulshadadii iyo dhalinyaradii oo si gooniya ugu dhegtagaayay dhaqdhaqaaqyada siyaadeed iyo halka ay salka dhigaan madaama oo bulshada Somaliland ay tahay bulsho siwayn u danaysa arimaha Siyaasadda iyo isbadeladeeda.
Siyaasadahan oo labada xisbi isugu awood sheegteen ayaa bilaamay markii la soo gaba gabeeyay wada hadalo siyaasadeed oo in muddo ah u socday Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI iyo Garabkii isbahaysiga Dimuqraadiyad doonka ee Xisbiga KULMIYE kaas oo midha dhalkiisii noqday in hishiis rasmiya la kala saxeedo, waxana hishiiskaasi ka soo baxay qodobo aad u cuslaa oo isbedel u muuqday isla markaana ay bulshadu siwayn ugu hanqal taagtay Xisbiga WADANI, qodobadaasi ayaa waxa ka mid ahaa in Guddoomiyaha Xisbigaasi uu balan qaaday wareejinta Guddoomiyenimada iyo in Xisbigu Siyaasadisii ku soo kordhiyay qaab cusub oo aan hore u jirin isla markaana la sameeyey Hogaamiye Xisbi oo lomagacaabay Ex Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Siyaasadahaasi xili ay Bulshada siwayn u dhexqaadeen waxa bilaamay Xaflado waawayn oo lo qabanaayay Siyaasiyiin tira badan iyo tageerayaashoodii oo ku soo biiray Xisbigaasi, waxa ugu Horeeyay Siyaasiyiintii ugu misaanka cusla Koonfurta Hargeysa oo iyaga iyo tageerayaashoodaba loo sameeyay Munaasibad aad u balaadhnayad oo ilyartu is qabatay dhaqdhaqaaqedana siwayn loga dareemay Hargeysa.
waxa kale oo isla maalintii xigtay Xibiga Wadani ku biiray Garabkii Isbahaysiga Dimuqraadiyad Doonka ee Xisbiga KULMIYE waxana magaladda Hargeysa Ka qabsoontay Munaasibad lagu soo dhawaynaayay Siyaasiyiintaasi iyo tageerayaashooda oo kumaankun kor u dhaafay meela kala duwana isaga yimid waxana munaasibadaasi ay labada dhinac ku kala saxeexdeen heshiisyo ay isku af garteen oo ay si rasmiya qalinka ugu duugeen.
Waxa munaasibadaasi hadalo ka jeediyay Masuuliyiinta WADANI iyo ISBAHAYSIGA waxana ka mid ahaa Hadaladii Garabka isbahaysiga “Waxa aanu WADANI u nimid in aanu Dalka badbaadino oo ka badbaadiyno Hogaan Xumo, waxanu doonayna Dadka reer Somaliland oo Mid ahaada oo wax wada lahaada iyo in laga tago qabyaaladda iyo qoqobka” Mr Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Murashaxa Madaxwayne ee Xisbiga Wadani ayaa yidhi “waxa aad ogtihiin in xukuumadu ka shirtay sidii ay u baajin lahayd shirarka Xisbiga waanu uga digayna, waxa aynu nabad gelyada iyo ilaalinteeda u dirnanay Xukuuumadda Balse iyadii ayaa Nabad gelyoi daro abuuraysa oo halkii XisbiyadaMucaaridku Mudaharaadi lahayeen iyadii ayaa Mudaraadaysa waxaan idiin sheegaya nabada waxa ka masuula adinka reer Wadaniyow” Cabdiraxmaan Cirro.
Waxa kale oo halkaasi ka sii socday Munaasibado goos goosa oo Magaladda Hargeysa ka dhacay oo lagu tageeraayo Xisbigaasi.
Xisbiga KULMIYE Iyo Dhaqdhaqaaqyadisii Siyaasadeed: Xisbiga KULMIYE oo ah Xisbi Guuna marka loo eego WADANI ayaa Ficiladaasi Siyaasadeed aad uga biyo diiday iyada oo Hogaanka sare ee Xisbiga Arimahaasi ku noqdeen laf dhuun gashay ka jawaabisteeduna ku adkaatay munaasibado uu abaabulay xisbiga KULMIYE oo uu kaga Fal Celinaayay Cududaha Isbiirsaday ee WADANI ayaan u dhicin Sidii la filaayay waxana ka jawaabistoodaasi ay ku saleeyeen laba dhinac.
1 Falcelin siyaasadeed oo uu ka Sameeyo Xisbiga KUlMIYE Gudaha Dalka.
2 Fal Celinta Labaad oo ahayad dhinaca Qurbaha
Tagudaha hadii aynu ku horayno xisbiga kulmiye waxa uu qabtay shir Saxafadeed uu warbaahinta ugu soo badhigay tira dhawr qof oo habla u badan waxana uu ku saleeyay jawaabtiisaasi siyaasadeed tageerayaal ka soo diga rogtay Xisbiga WADANI, gaar ahaana kuwo ka soo jeeda qoyska Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)
Wafti uu Hogaaminayay Madaxwayne Siilaanyo, Qayabna uu ka Ahaa Guuddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa Guddoomiyaha KULMIYE bilaabay olole balaadhan oo ku wajahan tageerayaashiisa qurbaha waxa uu dadaal dheerada ugu jiray sidii uu Gobolada wadankaasi oo dhan ula kulmilaha tageerayaasha Xisbiga waxana xafaladii ugu horaysay uu kala kulmay jab siyaasadseed sida ay wariyeen shakhsiyaad ka agdhawaan jabkaasi oo ahaa in Khudbad uu u jeedin laha tageerayaashiisa lagu iclaamiyay in “tigidho” lacaga loo goosanaayo waxanay taasi sababtay in tiradii ugu badanaa ee tageerayaasha Xisbiga KULMIYE ka baaqdeen munaasibadaasi.
Munaasibadii Labaad oo uu ku sugna Caasimadda Labaad ee Ingiriiska (BRmigham) oo ay tageerayaashiisu ka sugayeen in uu u soio bandhigi wax qabadka iyo ajandaha xisbigiisa ayaa waxa uu ku bilaabay khudbadisii sidan “Hadii guri cusub la dhiso marka u danbaysa waxa soo baxa hawla yarayar oo badan oo xaal xaala, Rinjigii allbaabadii, Saqafkii Sare, markaa anaga Barmaamijkii KULMIYE ee Madaxwaynaha Wixii ka hadhsanaa ayuun baanu anagu sii naash naashayna” Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE.
In kasta oo wali aanay fari ka qodnayan tartanka Xisbiyadaasi hadana Ficiladaasi siyaasadeed ee aynu soo sheegnay waxa ay u muuqdaan kuwo lagu kala sad qaaday.
Jaamac Aadan Maxamed.
Jamac1100@gmail.com
Hargeysa Somaliland