Waxaan garaadaystay dadka oo cabanaaya uun oo kolba maamulkaa jooga ka cabanaaya. Horta dhibaato hadii ay dhacdo waxay ku wanaagsantahay in ay dhamaato, laakiin hadii ay dhamaan waydo, dhamaad la,aantaa laftarkeeda ayaa dhibaato ah.
Waan ka fikiray sababta ay maamul xumadani u sii socota uun, ee ay marwalba ka sii darayso.
Horta qofka bani aadamka ihi xumahana wuu aqbalaa wanaagana wuu aqbalaa, kolba waa dhinaca xoogaysta uun, hadii wanaagiisa la xoogeeyo qof wanaagsan ayuu noqdaa, hadii xumihiisa la koriyana qof xun uun buu noqdaa.
Markaa gumaystihii wuxu sameeyay intii xumahoodu badnaa ayuu tababaray iskuna xidhay walina ka sii war hayaa. Shaqadooduna waxa weeyi inay hadaf ka dhigtaan inta wanaagu badanyahay ee wanaaga ka shaqaynaysa, si aanay isugu xidhmin, mid walba geed ayay ku xidhaan, iyaguna isku xidhnaadaan.
Tusaale imika dhiaabta meel ka dhacays ama dadka ayaa arimo ka cabanaaya, dadkii kacay ayaa gudi dooranaaya, ma taqaan gudidu ciday tahay, waa kuwii aad ka cabanaysay laftoodii ayaa ku matalaaya oo dhinacoodii kale la kulmaaya ee laga cabanaayay, maad u malayn in ay xal kuu keeni, illayn waa isla iyagii dhibaatada abuuray eh.
Caalamka sidaa ayuun baa lagu maamulaa, qaacidad ah (problem reaction solution). Kuwii dhibaatada abuuray oo sii diyaariyay xalkii ay doonayeen,iyo cidii ay doonayeen inay ku eedeeyaan ayaa soo dhigaaya xalkii. Markaasaa cid aan galabsan dambigii dusha laga saaraa.
Bal ufiirsada arimaheena oo dhan markaa dadku cadhoodo, gudi ayaa la saaraa gudi ayay shicibku soo saaraan loo sii diyaariyay oo iyaga ku dhex jirtay.
Imika dadku sicir barar ayay ka cabanayaan, anigu waxaan idiin sheegayaa, cida sicir bararka wadaa waa cida midida daabkeeda haysa. bal ka warama, hadii aan wan gawracayo oo aan eedeeyo wanka oon idhaa wankaa is gawracay, ma caqlibaa.
Hadal iyo guntii cabashadaa laga bixi maayo illaa la helo dad wanaaga doonaaya oo isku xidhan oo ka hor taga dadkaa xun ee isku xidhan, sida lagu helo dad caynkaas ahna way adagtahay, maxaa yeelay kuwaa xun ee isku xidhan ma ogola in la helo dadwanaaga ka shaqaynaya oo isku xidhan.
Halkan hoose ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray:
Xamar ayaa carqaladaynaysa saldhiga
Tolow Soomaalidii looma ooyaanka ahaa yaa ku dilay bada Yemen
Tolow muxuu Kulmiye u riixayaa in doorashadu waqtigeeda qabsoonto?
Waxaynu galnay xaalad kala guur, tolow siday noqon
Dhallinyartaay xaaladdu way adag tahaye faashashka badsada
Cadduur dhawdhawduba uma dhacsana
Dadkeenu ma istaahilaan in wadooyinka loo sameeyo
Dumarku waa kuwan shaqooyinkii la wada wareegay ee tolow lacagta xaggee ayey geeyaan
Isku shaandhaynta xoogaa leh tolow maxaa kalifay isagoo waqtiga hadhay yar yahay
Maxay ahayd ujeeddadii laga lahaa dagaalkii 1988, goorma ayuuse bilaabmay?
Gaaladu labada wadan ee ay indho gaar ah ku eegaan
Bal ummaddan uu dulinku daashaday eega
Dajjaal iyo labadiisii salladood
11 Sibtambar Soomaaliya khiyaamadii ugu waynayd
Luqadee ayaa wax lagu baranayaa
Ha isku akhriyin haddii aanad ku camal falayn
Dhacdo ugub ah oo masaajid Hargeysa ah ka dhacday
Bal dadkan ku dawakhay riwaayadan Kulmiye eega
Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?
Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?
Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa
Maxaad ka taqaanaa dadka waala?
Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?
Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?
Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay
Nuur Xaaji Xiiray
nur.hersi21@gmail.com