Saaka qalinku wax sheeg bu i leeyahay, haddana wuu ka yar maagayaa, dalka Soomaaliland qof waliba haddi shaqadii loo diray lagula xisaabtamayo wax uun ba yara kala socon laha. Ma waxa aad aragtay wasiir Maaliyadeed oo bariis qaybinaya iyo booyado biyo ah, xili lacagtii dalku qiimo dhacacii abid ugu sareeyay uu ku jiro, ha loo dhiibo xafiiska caawimada raashinka iyo biyo qaybinta. Ma waxa aad aragtay wasiiro fooqyo dhisanaya iyada oo dalka abaaro iyo nolol xumo tii ugu saraysay lagu jiro.Ma waxa aad aragtay gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ugu wayn oo jeclaysanaya in uu dawlada qayb ka sii ahaado isaga oo doonaya in uu dalka xukumo, ma waxa aad aragtay gudoomiye xisbi kale oo safiirka wareega ku shaqeeya oo dawlada kolba difaacaya. Maxa waxa aad aragta dal lagu leeyahay miyaad waalatay waa inage maxad wax uga qortay, in aad dufaacdo ayay ahayd.
Dawladnimadii khaladbaynu ka fahamnay u jeedki dawladnimada asalkeeda keenayna waynu iskaga tagnay, nin kasta waxa uu ka dhigtay xafiiski dadwaynaha meel uu isagu aragtidiisa ku maamulo iyo danta reerka uu ka soo jeedo. Xafiisyo badan waxa maamula qaar aan garanayn waxa shaqada xafiiska loo magacaabay masuul qaranka uga tahay, shaqaalaha wasaaradaha iyo haayadaha madaxa banaan waxa kolba loo keenaa mid kolba waydiiya qaybaha xafiiska iyo shaqadooda oo ay dhib tahay in wax la fahamsiiyo. Qofka xafiis madax looga dhiga waa hogaamiye, waxa laga filaya in uu ka horeeyo dadka xafiiska ka shaqeeya si uu sahan barwaaqo ugu raro. Bal ka waran haddii uu isagii u baahan yahay in loo wax la baro, qasab ma aha qofku xafiiska loo magacaabo in uu hore u yaaqaano laakiin waa in uu yaqaana sida haayad loo dhaqaajiyo iyo hal abuurka laga rabo. Dadka dawlada madaxda ka ahi warka ay ugu jecel yihiin ee ay ka dhagaysanayaan waa sheekada luflufka le ee ay wax ku jiraan, waxii kale waa bar kumo taal.
Dadka qaarba ku dooda reernimada ayaa ina dishay, aad uma qabo fikirka, reer kasta waxa ka buuxa dad hal abuurle, haddii madaxda dawlada reernimo lagu qaybiyo, reerka aad sheegayso ma laga qaato qof wax dhaqaajin kara. Maxa meesha keenay Abti iyo Xidid in lagu saleeyo qofka masuul laga dhigayo, miyaa loo sameeyo qofka madaxda ah masuuliyado qoran oo lagula xisaabtamo, miyaa lagu yidhaahdo soo diyaarso qorshe sanadeedkaad ku shaqayn lahayd. Miyaa qorshe sanadeedka waxa lacag loo hayana miisaaniyada lagu daro, waxii kalena la yidhaahdo u dawaro tag haayadaha carbeed iyo saancadaalaha dawarada la diyaarka ah. Ma bartilmaadeed loo sameeyn waayo haayadaha dawlada, haddii uu gaadhsiin kari waayo yool, duco qabe miyaa lagu sasabo miqaaxiyaha shaaxa dib ha ugu soo fikiro e. Dalku wuu dhaqaaqay uun baynu isku maaweelina, su’aashu waxa ay tahay xagee bu dalku u dhaqaaqay, ma hore mise dib, in uu ruxmayo waaba la arkaaye.
Dalku waxa uu u baahan yahay aragtidayda kacdoon dadwayne oo ka gudba xaydaabka dadka lagu baqo maalo, maanta iyo bariba xaqa ayaan matala ee reernimo aniga ha iigu soo haagaagina. Dibna haloogu noqdo fahamka iyo qeexitaanka dawladnimada, hana la saxo khaladka aynu ka fahamnay haddii kale karis xun iyona wax ku la.
Bare Sare iyo Cilmi Baadhe
Hassan Hussein Abdi (Haidaro)
+ 252 (0)634418302