Dardarta Wasiirka Waxbarashada iyo gabbashada hay’adaha (WQ: Cabdiwahab Maxamud Ibrahim)

Marka Laga soo bilaabo 2010/2015 wakhtiga xukuumadda madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo talada waddanka haysay waxa isbeddel ballaadhan ku yimi habka ama hannaanka loo qorsheeyo mashaariicda Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare lagu taageero fuliyaana Hay’adaha caalamiga ahi.

Habkaas oo ahaan jiray in Hay’ad kastaa gaarkeeda u raadiso mashaariic (projects) wax lagga qabanayo qaar ka mid ah baahiyaha waxbarashada ee jira hannaankaas waxa lagu badalay qaab si wada jir ah loogu qorshaynayo baahiyaha waxbarashada ee markaas jira (sector planning).

Qorshahan cusub waxaa soo dhawaysay Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare waxaana lagu magacaabay Horumarinta Cilmiga 2012/2014 lacagta loo qoondeeyey waa 11 milayn oo Doollar muddo saddex sanno ah waxaana fulinaaya hay’ado caalami ah oo isku magacaabay “consortium” kuwaas oo kala ah Save the children, NRC iyo Care international waxaana hoggaanka uqabatay hay’adda Save the children.

Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare waxay filaysay in qorshahan cusub uu keeni doono isbeddel hawshana si wada jir ah loo qaban doono isla markaasna la isku kaashan doono sidii loo samayn lahaa waxqabad baalladhan loona horumarin lahaa tacliinta, gaar ahaana waxbarashada aasaasiga.

Hasayeeshee waxaa soo baxday in la isku bahaystay qaybsiga lacagta loogu talo galay horumarinta tacliinta waddanka waxaana arrintaas markhaati u ah in lacagta miisaaniyadda 3 sano 5.4 milyan dollar oo ah in 50% lacagta guud ee loogu talo galay mashruuca horumarinta cilmiga ay ku baxayso kharashaadka hawl-socodsiinta xafiisyada hay’adaha iyo safarradooda Nayrobi/Hargeisa.

Haddaba Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare waxa dhawaan loo soo magacaabay Wasiir Cabdillaahi Ibraahim Habbane. Wasiirka cusubi waxa uu arkay isla markaasna daraasad iyo wada tashi ku sameeyey xaqiiqda ka jirta iyo sida loo maamulo lacagaha taakulada ah ee lagu caawiyo horumarinta taclliinta waddanka gaar ahaana Mashruuca Horumarinta Cilmiga ee ay fulintiisa hoggaamiso Hay’adda Save the children.

Mashruuca Horumarinta Cilmiga waa mashruuca ugu ballaadhan uguna muhiimsan mashaariicda loogu deeqo horumarinta waxbarashada waddanka sidaas darteed wasiir Cabdillaahi Ibraahim Habbane waxa uu xoogga saaray sidii looga dhabayn lahaa in lagu guulaysto ujeeddooyinkii laga lahaa mashruucaas 2012/2014 waxaana uu hakin kusameeyey mashrucaas qaybtiisa 2aad 2015/2017 oo bilaabmi lahaa October,2015 isla markaasna waxa uu dalbaday in qiimayn lagu sameeyo mashrucaas dhammaaday mashruucaas oo uu saluug weyn ka muujiyey Wasiirka Waxbarashadu maadaama oo madmadaw badani ka muuqdo habka loo fulieyey iyo daahfurnaantiisa isla markaana muuqato hawlo badan oo aan laga qaban goobohii loogu talo galay sida tababrka macalimiinta iyo dhismayaasha dugsiyada hoose dhexe hawlaha qaarkoodna ay fuliyeen qandaraasalayaal si dadban loogu dusiyey fulinta hawlahaas kadibna waxa meesha kabaxday tayadii looga baahnaa hawshaas tusaale ahaan Dugsiyada Sare waxaa loo sameeyey laps ardaydu ku qaataan bandhigga casharada sayniska ah oo aad tayadoodu uliidato qaarkoodna aanay shaqaynba.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashaada Iyo Tacliinta Sare waxa uu qaaday tallaabooyin uu ku hagaajinayo sida loogu samayn lahaa isbadal ballaadhan habka wada shaqaynta Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare iyo Hay’adaha fuliya mashaariicdda Waxbarashada sidaas darteed waxa martiqaad hadhimo sharafeed ah lagu casuumay dhammaan Ha’aydaha taageera Waxbarashada Hottel Maansoor isla markaasna loogu soo bandhigay habka cusub ee si wada jir ah oo daahfurnaan ku dheehantahay looga wada shaqayn lahaa hawlaha la xiriira horumarinta tacliinta maadaama oo waxqabad badan lagu sheego warbixinaha ay diyaariyaan Hay’adauhu hasa ahaatee aan ka muuqan Waxbarashada waddanka.

Hasayeeshee Hay’adda Save the children waxay si badheedh ah dhagaha uga furaysatay amarrada Wasiirka Waxbarashada Cabdilaahi Ibraahim Habbane waxaanay iskeed uqaaday tallaabo ah in ay qiimayn ku samayso mashruucii muranku ka taagnaa taas oo keentay in Wasiir Cabdillaahi Ibraahim Habbane qaato go’aan adag oo ka dhan ah Hay’adda Save the children oo ah in uu qaadacay ka qaybgalka bandhiggii qiimaynta mashruucii dhammaaday ee Horumarinta Cilmiga qaybtiisii 1aad amarna ku siiyey saraakiisha Wasaaarada Wabarashada Iyo Tacliinta Sare in aanay ka qaybgalin kulankaas maadaama oo hore loogu heshiiyey kulankii EU(midawga Yurub) ka soo qayb galeen kana codsadeen Wasiirka Waxbarashada in mashruucan Horumarinta Cilmiga qaybtiisa 2aad wasiirku saxeexo isla markaasna si wada jir ah qiimayn loogu sameeyo mashruuca qaybtiisii 1aad.

Murankan ka taagan marshruuca Horumarinta Cilmiga maaha mid bilaamay wakhtigan Wasiir Cabdillaahi ee waa mid soo jiitamaayey in muddo sannado ah waxaana arrintan markii 1aad badka soo dhigtay wasiirkii hore waxbarashada Samsam Cabdi Aadan ka dib markii ay diidday in ay saxeexdo isla mashruucan intaas kadib waxaa xilka Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada la wareegay Prof Faarax Cilmi Maxamuud oo isagu xilka iska casilay isaga oo aan saxeexa ku duugin mashruuca Horumarinta Cilimga qaybtiisa 2aad 2015/2017 sababaha aynu kor kusoo xusnay oo taagan awgoood.

Haddaba waxaa kuu muuqata in khilaafkan ay iska dhaxleen 3 Wasiir aanu ahayn mid ladhayalsan karo waayo waxa meesha ka baxday daahfurnaantii iyo aaminaadii lagu wada shaqayn lahaa.  Khilaafka Wasiirka iyo Hay’adda Save the children waxa uu keenay in wasiir Cabdillaahi si cad u hor joogsado saxeexa mashruuca Horumarinta Cilmiga qaybtiisa 2aad. Arrintani guud ahaan waxay la xidhiidhaa dabadana ku haysaa daahfurnaan la’aan laga waayey Hay’adda Save the children kadib markii wasiirka cusub iyo wasiiradii ka horreeyey kala quusteen codsigii ahaa soo bandhiga waxqabadkii mashruucii dhammaaday ee Horumarinta Cimig qaybtiisii 1aad.

Cabdiwahab Maxamud Ibrahim
gadiid236@gmail.com

“Aragtiyaha lagu lagu daabaco Bandhige waxay gaar u yihiin loona nisbeeyaa qoraaga maqaalka”