Dee haddaba yaa dhacay baanka?

 

Mar ay budhcad weerartay bangi ku yaal magaallada Guangzhou ee dalka Shiinaha, ayuu mid ka mid ah budhcaddii ku qayliyey “Ha is dhaqaajinina. Lacagta idinku ma lihidin ee qaranka ayaa isla leh. Indinku naftiina ayaad leedihiin. Qof waliba ha ilaaliyo waxa uu isagu leeyahay oo kaliya.” Markii uu ninkaa budhcadda ahi hadalkaa yidhi ayay dadkii oo dhami dhulka isku wada tureen.

Tan oo kale waxa la yidhaa “bedelaadda hab-fikirka aadamaha!”

Haweenay miis dushii saarnayd ayaa indhaha ku giirtay markii uu ku soo dhawaaday nin budhcadda ka mid ahi, kadibna inta uu ku qayliyey ayuu ku yidhi:

“Waa ku sidee. Sowdigii ilbaxa ahaa. Anigu ma kufsi baan u socdaa kaash baan u socdaaye!” Noqo qof garanaya sababtii loo soo shaqaalaysiiyey. Ha isku dayin in aad qabato shaqo aan taadii ahayn.

Tani waxay ka dhigan tahay in aad qabato oo kaliya wixii laguu tabobaray.

Markii ay budhcaddu guryahoodii soo gaadheen ayaa koodii da’da yaraa oo aqoontiisu MBA gaadhsiisnaynd yidhi waar haddaba lacagta inoo tiri.

Kii weynaa oo aqoontiisu gaadhsiisnayd fasalka 6aad ee dugsiga dhexe wuxu ku jawaaby “Waar ninyow caqli xumidaa. Lacagta intaa tiro le’eg yaa tirin karaya. Wakhti aad u dheer ayay innagaga lumaya. Maxaa ku dhibay iska sug warka telefishanka ee caawa iyagaa inoo sheegi doona xaddiga lacagta aynu maanta dhacnay!

Tan oo kale waxa la yidhaa waayo-aragnimo. Beryahan dambe waayo-aragnimada ayaaba ka muhiimsan waxbarashada iyo waraaqo lagu shaqeeyo.

Markii ay budhcaddu baanka ka tageen, maamulihii baanka ayaa guddoomiyihiisii la hadlay kana codsaday in uu si dhakhso ah booliska ula xidhiidho una wargeliyo waxa dhacay. Laakiin guddoomiyihii ayaa yidhi “Ha degdegin! Innaguna $10 milyan oo doolar aynu horta lafaheena ula baxno. Intan iyo $70kii milyan ee hore ee innagu dhex go’ayba budhcadda ayaynu xisaabin doonaa. Maamulihii baanka ayaa isna ku jawaabay “waar haddaa waabay fiicnaan lahayd bil kasta in ay budhcad ina soo weerarto. Shaqadeena waxa ka muhiimsan farxaddeena.”

Tan oo kalena waxa la yidhaa “isdaad-raacin.” Masiibo dhacday ayaad u bedelatay fursad aad heshay.

Maalinimadii dambe ayaa warkii telefishanka lagu sheegay in ay budhcaddii baanka weerartay dhaceen $100 milyan oo doollar.

Raggii baanka dhacay warkii bay u qaadan waayeen waxayna go’aansadeen in ay lacagta tiriyaan. Waxay u noqotay $20 milyan oo doollar. Aad bay u xanaaqeen. Mid ka mid ah ayaa yidhi “waar show in aad aqoonyahan noqoto ayaa ka fiican in aad tuug noqto. Nafteenii ayaynu halis gelinay markaasaynu $20 milyan oo kaliya helnay halka raggii baanka maamulayey ay $80 milyan oo doollar ku heleen kombiyuutar ay faraha taabsiiyeen oo kaliya.

Tanoo kale waxay i xusuusisay odhaahdii ahayd “aqoontu waxay qaali u tahay sida dahabka oo kale”.

Maamuleyaashii baanku farxad bay dhinac ula dhaceen. Budhcaddii ayaa ka dabooshay $70 milyan oo ku dhex go’naa, $10 milyan oo dheeraad ahna way ka heleen.

Waxay yidhaahdeen “weligaa isbiimaynta ogow, fursadahana ka faa’iideyso”

Haddaba su’aasha meesha ku jirtaa waxa weeyi, waa ayo budhcadda dhabta ah ee baankan dhacday?

Waxa maqaalkan idiin soo turjumay Bahda Bandhige.

bandhige@gmail.com