Dhibta booyaddaha biyaha qaada ee Hargeysa (WQ: Ismaaciil Daacad)

 

Magaalada Hargeysa ee xarun madaxeedda jamhuuriyadda soomaalilaan waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ugu saxmadda iyo dadka badan guud ahaan magaalooyinka geyiga soomaalida ee dhaca gobolka geeska afrika, magaalada hargeysa tan iyo waqti ku siman goortii uu joogay gumeystihii reer yurub iyo saancaddaalihii boqortooyada ingiriisku waxa ay ku tilmaanayd biyo yaraan, waxana marwalba ka taagnayd cabasho iyo tabasho dhanka biyaha ah, dawladihii kala dambeeyey iyo maamuladii isu bedelay magaaladan midkoodna kuma guulaysan inuu hargeysa si fiican biyaha u deeqsiiyo dadka magaalada degganna si wanaagsan u harraad tiro.
Magaaladu sida aynnu wada ogsoonnahay waa magaalo weyn waxa ay ka kooban tahay siddeed degmo oo waaweyn, degmo walba waxa sii hoos yimaadda xaafado aad u tiro badan, marka laga warramayo biyo yaraanta hargeysa had iyo jeer waxa ay ahayd mid magaalada qaybo gaar ah saamaynteedu tahay, taa lidkeedana magaalada qaybo ka mid ahi waxay jeerwalba ahaayeen/yihiin kuwo hela ugu yaraan biyo ku filan oo si fiican ugu filan, sababta ugu weyn ee biyo yaraanta hargeysa loo aaneeyo waxa aynnu ku soo ururin karnaa gaabis ka imanayey/imanaya maamulada kala heer/heerar sarreeya ee maamulka biyaha u kala sarreeya, gaabiskaa waxaynu u kala abla ablayn karraa mid u kala korreeya heer wakaaladdeed/ dawlad hoose/ gobol/ iyo ugu dambayn heer dawlad dhexe iyo wasaaradda biyaha.
Arrinkaa ah magaalada inaan qaybo ka mid ahi helin biyaha magaalada ee ka yimaadda ceel biyoodka magaalada waraabiya waxa ka dhashay inay soo baxaan booyado aad u tiro badan, kuwaas oo waraabiya wax aan odhankaro magaalada kala badh way ka badan tahay, (50%+).

Booyaddahaasi inkastoo ay baahida buuxiyeen magaaladana waraabinteeda qayb libaax ka qaateen, haddana waxa ay la yimaaddeen dhibaato iyaduna xanuunkeeda leh, waxa ay safka hore kaga jiraan baabuurta ugu socodka iyo waddo maridda xun magaalada iyo banaanka magaalada ka baxsan labada, waxaan odhan karaa marka laga yimaaddo baabuurta caleenta jaadka qaadda inay noqonayaan kuwa ugu socodka iyo qaab socodka xun, midda ay weliba dheer yihiin baabuurta jaadka qaadda waxay tahay inay boqolaal jeer ka badan yihiin xagga tirada, kumaan jeerna kusoo laban laabmayaan xagga adeegsiga iyo maridda waddooyinka.

Haddaad inyar istaagto wadada dhanka bari kasoo gasha ama uga baxda magaalada hargeysa waxa aan shaki ku jirin inaad ugu yaraan daqiiqad walba arkayso indhahaaguna qabanayaan hal booyad oo biyo sidda ama biyo doonaysa, taasoo usii jeedda ama kasii jeedda dhanka magaalada, booyaddaa oo socodkeedu yahay mid khatar gelinaya nafta wadaha baabuurka, dadka la socda iyo bulshada kale ee magaalada guud ahaan gaar ahaanna inta wadadaa adeegsanaysa oo ay ugu horreeyaan wadayaasha iyo dadka saaran baabuurta kale ee wadadaa maraya.

Saaka markii aan go’aan saday inaan qormadan kooban ka qoro dhibta booyadaha biyaha qaada iyo biyo yaraanta magaalada, anigoo ka soo baxay gurigayga una soo jeeda goobtan aan immika qoraalka ku qorayo ayaa wadada waxa soo martay booyad xoog u soconaysa, goor ay usoo dhowayd goob banjarle ah oo taayirada baabuurta naqaska ugu shuba ayay xoogaa xawaarihii dhintay, anigoo indhaha ku haya ayaan maqlay dhawaqa nin ka mid ah qoladii banjarlaha ahayd oo ku dhawaaqaya waar qunyar soco, qunyar soco, !!!.

Goortii aan dhawaqaa maqlay waxa markiiba maankayga kusoo dhacay sababta ninkaa hadalka ka keentay oo aan anigu u fahmay inay tahay laba shil booyaddeed oo shalayto ka dhacay laba goobood oo goobtaa banjarlaha ah aan wax badan u jirin, shilalkaa shalayto waxa ku dhintay ugu yaraan labo qof qaar kalena way ku dhaawacmeen, labadaa shil midkood waxa goobta shilka ka ag dhowaa isla jeerkaana yimidba maayarka magaalada oo ah duqa golaha degaanka ee hargeysa.

Dhibkaa iyo xanuunkaasi waa mid ay maalinwalba maqlayaan dhegehoodana soo gaadhaya masuuliyiinta iyo maamulka heer walba leh ee magaalada masuuliyaddeeda dusha ku sita, dad weynaha magaaladuna waa arkayaa wuuna damqanayaa dharaar walba haddana arki maysid dhibtan cid ka gubanaysa iyo cid ka gilgilanaysa oo ay damqaysoba.!!!

Inkastoo aanan xog iyo tirakoob rasmiya idiin sheegayn haddana waxaan idin odhan karaa shilalka iyo dhibaatooyinka ka dasha baabuurta ee magaalada hargeysa intooda ugu badan waxa ay ka dhashaan booyadahaa biyaha qaada magaaladana qaybta intaa le’eg waraabiya, dhibtanna marka laga reebo badnaanta tiradooda iyo baahida dalabka biyaha macaamiisha waxa u raaca masuuliyadda darro dhanka wadayaasha ah, wadayaashu waxa ay inta badan ku socodsiiyaan booyaddaha xawaare aad u heer sarreeya waxana ka muuqda masuuliyad darro aad u weyn.

Haddaba waxa isweydiinta mudani waxay tahay maamulka dhan ee heer walba leh haddii uu ka gaabiyey inuu magaalada biya ku filan siiyo masuuliyaddaana ka fadhiistay, ma waxa ay garan waayeen inay magaalada dhexdeeda iyo koonayaasheeda dhigaan waxyaabo xawaaraha baabuurta dhima ama yareeya?!!!.

Guddoomiyaha golaha degaanku tolow shalayto xanuunkii iyo dhibtii uu indhihiisa ku arkay inna wax saamayn ah ma ku yeelatay?.!!!

Haddayba ku yeelatay inna ma dareemay dhibkaa masuuliyaddeeda inuu yahay dadka ugu horreeya ee xilka adduun iyo kan aakhiroba ka saaran yahay?.!!!. Haddii uu dareemayse qorshihiisa shaqo iyo waxqabadkiisa maamul wax ma ku kordhin doontaa maaraynta dhibkaana si uun ma uga hawl geli doonaa?!!!.

Xawaaraha baabuurta in la yareeyo qayb weyn bay ka qaadan lahayd maaraynta dhibkan, waxyaabaha xawaaraha yareeyaana maaha wax dhib weyn yeelan lahaa mana aha wax hawl weyn u baahan lahaa, muddo kooban ayuu qof ka mid ah dadka samaha jeceli xaafaddayda meel u dhow ka sameeyey hal goob oo ah kuwa xawaaraha baabuurta yareeya, baabuurtii iyo dadkiiba way ka faa’iideen muddo kooban oo goobtaasi shaqaynaysay, ugu dambayna goobtii waxa lagu celiyey sideedii hore sababta ugu weyna waxa ay ahayd baabuurta booyadaha oo goobtaa marka ay usoo dhowaadaan wadadaba ka dega si aanay ugu hakan xawaarahana u dhiminba.

Ciidamada waddooyinkuna waxa ay ka gaabiyeen inay wadada keenaan ciidamo maamula xawaaraha baabuurta oo gaadhigii xawaaraha waddo maridda dhaafaba inta ay qabtaan waajibaadkiisa mariya.

Ismaaciil Daacad
Hargeysa Soomaalilaan.