Tan iyo marki ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya waxay saamayn weyn ku yeelatay qaab nololeedkii bulshada. Si kasta iyo sababkasta ha u dhacdo ee waxa la dumay nidaamkii dawladnimo, dhaqan-dhaqaalihii ummadnimo, sharciyaddii, isku duubnidii iyo nabad kuwada noolaanshihii.
Silica iyo saxariirka, barakaca iyo baayi-hoofka, qaraxa baaruudda iyo qaxoonti raadinta, eridhabanka iyo naf la-cararka bilaa sahayda ah ka sokow waxa qiima dhacay magacii iyo sharaftii qofka Soomaaliga ah.
Intaa ka dib waxa ummadda afduubay shirkado iyo shakhsiyaad calooshooda u shaqaystayaal ah iyagoo ka faa’iidaysanaya baylahda, waxay hantiyee ilihii dhaqaalaha isla-markaana waxay kooto u xidheen naaskastoo irmaanaa, waxay gaar u yeesheen wax la wada lahaa, waxaabay isa-siiyeen immika iyagaa iska leh.
Kumay eekaan intaas oo kaliya balse waxay ugudbeen shilimaadkii faraqa dadka danyarta ah ugu jiray, waxay u uruursanayaa qaab cilmiyaysan oo aan dadku hore u fahmi karin, dadku faraqyada iyo jeebadaha gacanta iyay galinayaa iyaga ayaa hantidooda dhiibaya, si fudud ayaa lacagta looga xeraynayaa oo xadaaradaysan.
Waxa cusub may hindisin dunidana kumay soo kordhin, mana hindisi karaan, kumana soo kordhin karaan sida ay iyaguba aaminsan yihiin balse waxa ay keenaan hadba adeegyo ay soo dheegteen oo haddii sidaa tahay loogu shaqeeyo waxtar leh, balse ay ujeedooyin gaar ah u sitaan, waxay rabaan In ay dunidda daba socdaan lama jaanqaadi karaan ee waxay rabaan in ay ka soo tuugaystaan oo ku tuugaystaan dadka waxay soo tuugaysteen.
Tusaale ahaan adeegga ZAAD wuxu ka mid yahay meelaha ugu khatarta ee wiiqi kara dhaqaalaha ummudda. Haddaba si aynu u fahanno adeegga waxaynu baahan nahay in aynu wax ka ogaano qaabka uu uga shaqeeyo dunida kale gaar ahaan haddii aynu Afrika ku horayno.
Shirkadaha Safaricom iyo Vodacom oo iskaashanaya ayaa adeegga M-pesa ka hirgaliyay dalalka Kinya iyo Tansania.
M-pesa ( Mobile) Pesa(lacag) Swahili :- waa adeeg lagu isticmaalo Mobilka gacanta oo fududaynaya kaydin, diris iyo waxkala iibsiga.
Sannadkii 2010 kii waxa uu si xoog leh ugu fiday suuqyada bariga Afrika.
Sannadkii 2012 M-pesa dalka Kiiniya oo kaliya waxa la diiwaan galiyay 17Milyan oo dadka reer Kiiniya ah.
Dhinaca Tansaaniya Ururka Intetnational Finance Cooperation oo ka diyaariyay warbixin uu ku eegayo habsami u socod M-pesa waxay xustay in muddo kooban ay ku kasban doonaan kalsoonida shacabka reer Tansaaniya, waxa kale oo isla warbixintaas lagu xusay in adeeggani door wayn ku yeelan doono suuqyada dalkaasi.
Sannadkii 2008 shirkadda Vodacom waxa ay xidhiidh la samaysay dhiggeeda Roshan ee dalka Afqaanistaan.
Sannadkii 2010 Vodacom waxay heshiis la saxeexatay (Nedbank) oo ka mid bangiyada ugu waawayn dalka Koonfu Afrika.
Vodacom waxay sidaas oo kale heshiis ula gashay ( ICIC Bank) ee dalka Hindiya Noofambar 2011.
Dalalka labadii sanno ee ugu danbeeyay ay gaadheen waxa ka mid ah bariga Yurub, Musambique, Lesotho, Masar iyo Albania.
Adeegga Zaad waxa laga soo dheegtay qaabka ay u shaqeeyaan M-pesa iyo kuwa la midka ah, balse waxa kala duwan nidaamka sharci ee ay dalalkaas uga shaqeeyaan iyo qaabka ay halkan Zaad uga shaqayso.
- Shirkadahaas aynu soo sheegnay waxay ku shaqeeyaan nidaam Standard ah (caalami ah).
- Dawladaha dunidda ee adeeggani ka shaqeeyaa waxay shirkadahaas kala wareegaan hanti u badan maguurto waa dammaanad haddii ay dhibaato dhacdo dadka lacagtoodii loogu celin karo
- Dawladahaasi way ka warqabaan inta xisaabeed ee ka furan shirkadahaas oo gaaddhay bilyan iyo lacagaha ay ku hayaan bangiyadooda iyo ta ay gacan ku hayaanba.
- Waxay si gaar ah ula socdaan dhaqdhaqaaqyada shirkadahaas iyaga oo ilaalinaya hantida ummadda ay mas’uulka ka yihiin.
Haddii aad iswaydiiso yaa ka mas’uul ah ZAAD?.
Yaa la xisaabtama?
Miyaa laga hayaa dammaanad?
Xog intee leeg ayay dawladdu ka haysataa adeegga Zaad?
Dawladdu ma leedahay aqoon iyo awood ay kula socoto dhaqdhaqaaqyadda adeegga?
Haddii ay jawaabtu tahay maya. Siday dawladdu ugu aamintay shirkado gaar loo leeyahay hantida shacabka danyarta ah.
Lasoco qaybaha danbe,
Maqaalkan oo dhamaystiran laguna tarjumay English waxa aad kaga bogan kartaa todobaadka danbe Mareegaha Aljazeera, the Guardian, New York Times iyo Gulfnews.com
W.Q. Axmed Cabdilcasiis Xaaji Maxamed