Dhuuqaa ha noqon (W.Q. Nuur Xaaji Xiiray)

Dadka Ilaahay kala ayaan wanaagsan. Qaar waa dad dadka wax tara, qaarna waa qaar dhib uun la soo taagan. Sidaa maalmaha Ilaahay u kala fadilay ayay dadkuna u kala fadalan yihiin.

Dad baa u soo kalaha in ay dadka kale ka dhuuqaan, nin professor ah ayaa yidhi:

“Qof walba, Madaxwayne ilaa jaadhiwale, aroortii wuxuu la soo kalahaa baaldi madhan oo uu doonayo in wax loogu shubo, markaa dadka baaldiyada ugu shubow ha ka dhuuqina, haddii aad ka dhuuqdo adna kaaga ayaa la dhuuqi.”

Marka aad dhaqan wanaagsan kula dhaqanto dadka baaldigoodii ayaad wax ugu shubaysaa adna kaaga ayaa laguugu shubayaa, haddii aad dhaqan xun kula dhaqanto baaldigii ayaad ka dhuuqaysaa adna kaaga ayaa la dhuuqi. Bal ka warrama kuwa mushahar lagu siiyo in ay dadka baaldiyada ka soo dhuuqaan, miyaanay ayaan darnayn?

Dhaqanka wanaagsan waxaa ka mid ah salaan wanaagsan, waji furan oo aad dadka kala kulanto, magaciisa oo aad qofka ugu yeedho, adiga oo soo booqda qofka marka uu caafimaad qabo iyo marka uu xanuunsanayaba, waa dhaqannada wanaagsan ee aad qofka qalbigiisa ku kasban kartid.

Nimankan cilmi-nafsiga ku takhasusay waxay yidhaahdaan codka ugu wanaagsan ee qofku bani-aadamku maqlaa waa magaciisa. Qofka magaciisa baro uguna yeedh. Qofka marka aad la kulmayso waji furan kula kulan, waa waxyaalaha qalbiga fura. Xadiis Rasuulka ah ayaa odhanaya:

“Ha yaraysan wanaagga haddii uu yahay inaad walaalkaa kula kulanto waji furan eh.“

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray oo Soomaali iyo Ingiriisi ah:

Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?

Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa

Maxaad ka taqaanaa dadka waala?

Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?

Life is three days

Global War

Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?

Yaa burburiyey Soomaaliya?

Dhallintu way gaajoonaysaa!

Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay

Maxaa dadkeena sidan u galay

Dadka doofaarrada noqday

Ummad aan xidhe lahayn!

Nuur Xaaji Xiiray

Nur.hersi21@gmail.com