Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 5aad W.Qorey: Xasan Ciise

 

Afganbigii Juulay 1952kii

Inta badan waxaa sheekadan tix raac ii ah qoraalada Janaraal Najiib oo afganbiga hogaamiyey iyo Maxamed Xasaneyn Haykal oo ahaa saxafi la saaxiib ahaa Kornayl Cabdinaasir.

Waxaa ay labaduba sheegayaan gaar ahaan Janaraalka in habeenkii ciidanka uu kala ratibay qolabana meel u xil saarey in ay qabtaan Idaacada iyo telefishanka, Qasriga Boqortooyada ilaalada boqorka, xarunta dawlada, guryaha wasiirada iyo goobo kale oo muhiim ah sarkaal kasta oo u xil saaraa haw wuu ka soo dhalaalay marka laga reebo Jamaal Cabdinaasir oo markii hawsha la bilaabay ku dhuuntey xeryaha ciidama mid ka mid ah Janaraalku wuxuu sheegayaa in aan la isku hawlin in uu hawsha fulinteeda iyo hogaaminteedaba ka qayb ka noqon maadaama saraakiisha kale oo dhami hawsha diyaar u ahaayeen.

Boqorku waa boqor Faaruuqe waxa uu maalinkaa iyo habeenkaa la qorsheeyey afganbiga ku nasanaayey oo ku maqnaa Qasri la yidhaahdo Tiin oo ku yaala xeebta magaalada Aleskandariya, waabarigii horeba qola kasta oo ciidanka ka mid ah waxa ay qabsadeen goobahoodii aroortii horena waxaa la waydiistey Janaraalka aadama uu yahay ninka kacdooonka hor kacaaya in uu soo diyaariyo bayaankii laga eedin lahaa Idaacada iyo telefishanka waana la diyaariyey waxaana loo dhiibay oo akhri la yidhi sarkaal yar oo ka mid ahaa gacan yarayaasha Janaraalka waana ninka lagu magacaabo Maxamed Anwar Al-saadad waanu jeediyey, halkaas ayaan alagu cadeeyey in ciidanku talada dalka la wareegeen Maxamed Najiibna yahay hogaamiyaha Kacaanka boqortooyadiina dhamaatey dadkuna is dajiyaan nidaamka cusubna la shaqeeyaan.

Aad baa loogu farxay wadooyinka Qaahirana waxaa buux dhaafyey dad mudaaharaadaya oo ciidankana u tahniyadaynaya hawsha ay ku kaceen, Maxamed Najiib iyo wafdi uu hogaamaniyo ayaa u kicitimay Aleskandariya si ay Boqorka uga soo saxeexaan in uu is casilo wadankana iskaga dhoofo, warqad casliaad ah ayey sii diyaariyeen laakiin waxa ay ku qaabileen maamuus oo ciidanku salaam sharaf ayey siiyen sida uu Janaraalku amrey, wuxuu yidhi inkasta oo Boqor Faaruuq ahaa nin da’ yar hadana markii uu warqada saxeexayey gacmihiisu way gariirayeen,waxaanu Janaraalka waydiiyey hadii uu Masar u soo wado wax dhaama isaga? Waxaanu u sheegay in laga raysan doono, laakiin waxa uu Janaraalka ku yidhi ma hubtid ee hadhaw yaan adigana lagu afganbiyin intaa hada jirtana ha uga sii darina, sidaas ayaa lagu maca salaameeyey oo wuxuu racaay Markab u qaaday ilaa wadanka Talyaaniga halkaas oo uu ku dhamaystey waqtigiisa intii ka dhinayd.

Ciidankii waxa ay dhiseen dawlad rayid ah oo nin Cali Maahir la yidhaahdo madax u yahay halka golaha kacaanka uu Janaraal Najiib hogaamiye u yahay,laakiin askartii ay Kornayl Cabdinaasir isku fikrada ahaayeen ururkana wada dhisteen waxa ay bilaabeen in ay Amiiradihii bililiqeystaan hanti badana dhacaan taasi oo  Janaraalka iyo xukuumadi rayidk ahaydba ka cadhaysiisey xataa dadweynihii dhawaan u tahniyadaynaayey ciidankii way ka shakiyeen.

Janaraal Najiib markii uu arinkaas aad uga cadhooday ayuu golihii isugu yeedhay in ay joojiyaan waxyaabahas anshu xumada ahna wuu soo jeediyey waliba waxa uu ku habjabay in hadii amarkiisa loo hogaansami waayo uu talaabooyin adag ka qaadi doono, taasi waxa ay u ekeyd mid laga garaysatey laakiin waxaa laga diiday in ciidanku xeryahooda ku noqdaan oo talada dalka si rasmi ah u wareejiyaan, laakiin Janaraalku wuxuu taageero weyn ka haystey dadweynaha.

Jamaal iyo kooxdiisa waxaa u qorsheysnaa in ay afganbe kale sameeyaan oo ay Janaraalka iyo qoladiisa tuuraan, laakiin waxa ay ka cabsadeen taageerada faraha badan ee uu haysto,is jiid jiidkii ka dhax jiray golaha kacaanku waxa soo gaadhay ilaa laba sano gaar ahaan sanadkii 1954kii ayaa Janaraalku go’aankiisii in uu kaga dhabeeyo damcey Kornayl Cabdinaasir iyo kooxdiisuna waa diideen khilaafkii labada kooxood ka dhax jiray ayaa dibada u soo baxay waxaana bilaabmay mudaharaado ciidanka laga soo horjeedo.

Ciidanku halkaas waxa uu ka sameeyey khiyaamadii ugu horaysay uguna waynayd,Jamaal inta uu madaxdii Akhwaanka la kulmay ayuu dhaar ugu marey in uu shareecada islaamka waxa ku xukumayo Najiibna rabo in uu soo celiyo xisbiyadii wada musuqa ahaa madaxdii Akhwaanku waxa ay taageereen arinkii Jamaal, sidaa ayuuna Janaraalkii ku afganbiyey wuxuuna ku war helay aqalkiisa oo ilaaladii laga badalay loona diiday in uu baxo khadkii telefoonkana laga gooyey.

Madaxdii Akhwaanka markii ay kala direen mudarahadayaashii  Jamaal markiiba waxa uu bilaabay in uu xabsiga dhigo maxkamadan u diyaariyo, waxaa kale oo la isku dayey si arinta looga dhigo wax sax ah in la isku dayey Jamaal in la dilo kaasi oo fashilmey loona yaqaano “dhacdadii Manshiyah” waxaana toos loogu eedeeyay Akhwaanku in ay ka danbeeyeen waxaanay maxkamadii oo ahayd mid milatari markiiba dil daldalaad ah ku xukuntey todoba ka mid ah madaxdii Akhwaanka halka rag kale oo badan Xabsi daa’im iyo waxa aan dhaamin lagu xukumay, waxaana dadkii xabsiyada galay lagu sameeyey jidh dil lag aargagaxo sida ay Zaynab Qasaali ku sheegtey buugeeda ay ugu magac dartey “Maalmo Noloshayda ka  mid ah”

Maalinkaa laga bilaabo ilaa hada waxaa wadankan Masar dhaqaalihiisa, maamulkiisa, siyaasadiisa iyo amnigiisaba la wareegay ciidanka milatariga.

FG: ciidanka Masar haysta waxa ay meelo iskaga mid yihiin dawladii Mamaaliikta    ( Adoonta) taasi oo ninka ciidanka ah uu ahaa kan ugu hantida badan ugu awooda badan intii ay jirtay dawladaasi oo ahayd intii u dhaxaysay 1242-1517kii, waxa ay se kuwaas kuwan kaga fiicnaayeen waxa ay ahaayeen dawlad madax banaan oo difaacdey danaha ummada Islaamka Masar laga bilaabo ilaa koonfurta Turkiga oo ay ku jiraan Sadexda Xaram, laakiin kuwan maanta joogaa waxa ay toos u hoos tagaan dawladaha waaweyn qaarkood lagumana tilmaami karo dawlad madax banaan.