Xukuumadda oo dib ugu celisay Golaha Wakiilada go’aankii laalista wareejinta haamaha kaydka shidaalka Berbera

Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Tiknoolajiyada Cali Xaamud Jibriil ayaa sheegay in uu madaxweynuhu dib ugu celiyey Golaha Wakiilada go’aankii ay hore u laaleen ee wareejinta kaydka Haamaha Shidaalka Berbera.

Sidoo kale waxa uu wasiirku ku sifeeyay go’aankii ay Golaha baarlamaanku ku laaleen wareejinta Kaydka haamaha shidaalka Berbera in uu ahaa mid sharci daro ah islamarkaana Dastuurka baal marsan.

Waxaanu wasiirku xusay sababta keentay in ay xukuumaddu dib ugu celiso go’aankii ay hore u laaleen baarlamaanku waxa uu yidhi:

“Nuxurka aan shirkan jaraa’id u qabanay waxa weeyi, waa celinta ansixinta go’aankii ay hore u laaleen baarlamaanku ee ku saabsanaa kaydka haamaha shidaalka Berbera. Halkaasi oo uu maanta madaxweynaha qaranku dib ugu celiyey go’aankii hore ay u laaleen Golaha Wakiiladu, markaa maanta gollaha wakiiladu way hastaan go’aankaa ay xukuumaddu maanta dib ugu celisay, go’aankaasi waxa uu ku saabsan yahay qodobka 12-aad ee Dastuurka Somaliland, oo sheegaya in xukuumaddu ay xaq u leedahay gacan ku haynta hantida guurtada ah iyo ta ma guurtada ah in ay iibiso, iibsato, kiraysato, ku badalato wax u dhigma ama ku dabaqdo tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan.”

Isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Markaa qodobkaasi waxa uu xukuumadda siinayaa inay iibiso, gacan ku haynteeda, go’aankaa ay Gollaha Wakiiladu ku laaleen maalintii dhaweydna waxa uu ka hor imanayaa qodobka 12-aad ee Dastuurka, markaa sidaad ogtihiinba go’aan kasta oo ay soo saaraan gollaha wakiiladu hadii aanu dastuurka waafaqsanayn, waxa uu noqonayaa go’aan hareer marsan dastuurka oo aan waafaqsanayn.”

Waxa kale oo u sheegay in xukuumaddu mar labaad ku celiyeen baarlamaanka, isagoo ka hadlayna waxa u yidhi:

“Markaa madaxweynaha iyo xukuumaddu waxay isla garteen inay dib ugu celiyaan gollaha wakiilada, hase ahaatee Golaha wakiiladu waxa ay u cuskadeen qodobada 38-aad 39-aad, iyo 54-aad, farqadiisa 3-aad, markii aanu taa eegnay, iyo go’aanka ay gaadheen iyo saddexdaa qodob ee 38-aad, 39-aad, 54-aad, faqadiisa 3-aad. Sidaa darteed wax xidhiidh ah lama laha go’aankan waayo wax heshiis ah oo dhex maray ma jirto xukuumadda iyo ganacsatada, laakiin Madaxweynaha iyo xukuumaddu waxay u arkeen wada hadal dhex maray ganacsatada iyo xukuumadda.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in imika wada-hadal u socdo shirkadaha iyo xukuumadda, waxaanu ka codsaday in Golaha Wakiilada codsanayaa in ay gutaan waajibaadkooda sharci.

bandhige@gmail.com