Door-roonihii da’dii aan ogaa: Mujaahid Bashiir, Q.13aad (WQ: Boobe Yuusuf Ducaale)

 

“Af-soomaali aanu sidaa u kala-beddelnay ayaanu tusnay oo aanu waraaqo annaga oo keliyi aanu fahmaynno aan ku qori jirnay. Wuxuu nagu yidhi: ‘Waxa muhiim ah haddiiba askari inta uu ku baadho uu warqad kaa helo, in aan warqaddaa loo aqoonsan in ay sir tahay. Haddiiba warqaddaa loo aqoonsado in ay sir tahay waa la ogaan karayaa, marka ay ugu yar tahay waa lagu tuhmayaa, waana lagu xidhayaa. Sidaa daraaddeed, warqadaha aynu is-dhaafsanayno waxaynu u qorayna sidan: xerada millaterigu waa ayeeyo, askartuna waa caruurteedii, boolisku waa bahdii kale ee ayeeyo. ‘Sidaas ayaad warqadaha u soo qoryasaan,’ ayuu nagu yidhi.

Habeenkii u dambeeyay ee bixitaankiisa ayaa waxa loo soo iibiyay kalluun badan iyo tobaneeyo xabbo oo roodhi ah, sidaas ayaanu nooga anba-baxay.

Markanna, waa Mujaahid Abaadir oo ka sheekaynaya hilimmadii uu soo mari jiray Mujaahid Bashiir kolka uu gudaha soo gelayo, waxaanu yidhi:

“Xilliyada ama mararka uu gudaha soo gelayo inta badan wuxu soo mari jiray markuu dalka soo gelayo iyo markuu ka sii baxayaba Carrada malko/Marda. Waa lafta-boqor barigeeda miyiga oo ku dhow Lafta-boqor, halkaas oo abtigii Cabdiraxmaan Sheekh deggenaa. Bashiir waxa aad ula shaqayn jiray Ilaahay ha u naxariisto e’ Muuse Sheekh Cabdillaahi Ciise. Waa abtigayo run ahaa oo calool adkaa sheekhna ahaa. Wuxu ahaa ninka aad is-odhanaysay waa ninkuu ka raacay dhiirranaanta iyo geesinnimada. Sheekh Muuse, wuxu deggenaa Guluc halkaas oo iyaga oo qoryahooda sita ay u iman jireen. Wuxu Sheekh Muuse u soo qaadi jiray hubka iyo miinooyinka ay dalka gudihiisa gelinayaan isaga oo si badheedh ah ugu soo rari jiray Awr uu lahaa.”

Galaa-baxan Mujaahid Bashiir ee dalka Abaadir wuxu ku soo khatimay:

“Walaalkay Bashiir, intii uu uu SNM-ta ku jiray dhowr jeer ayuu xaafaddayada Gebilay noogu yimid, annaga oo deggenaan jirnay xerada millaterigu deggen yahay meel jago- buldhuq la yidhaa, taas oo uu Bashiir noo iibiyay intii aanu tallaabin.”

Abaadir oo aanay sheekooyinka walaalkii ka dhammaan oo hadba godol soo cusboonaysiinaya, ayaa wuxu xusuustay sheekadan kale, ka dib markii walaalkii Mujaahid Bashiir shahiiday. Markanna wuxu ku deexday:

“Intii uu shahiiday ka-dib ayaan abtigay Sheekh Muuse ku idhi: ‘Abti bal ninkaa ka waran calool-adayggiisii.’ Wuu ilko-caddeeyay, waxaanu igu yidhi: ‘Abti aniga ayaa ka yaabi jiray oo la yax-yixi jiray.’ Qisuu iiga sheekeeyay. Wuxu yidhi: ‘Maalin maalmaha ka mid ahayd ayaa annaga oo soconna Caraancarka Allaydabay korkeeda, awrka aanu wadannana uu miino la ciir-ciirayo is-na uu I ag socdo ayaa waxa nagu soo baxay 15 askari, waanay na joojiyeen. Nimanku waa jaad doon-doon. Markii aan sidaa ugu baxnay nimanka, Bashiir oo iga danbeeyay ayaan maqlayay qoriga uu ammaanka ka jaray. Hoos inta uu ii la hadlay ayuu igu yidhi abti ha ka werwerin intan aniga ayaa ku filan e’. Su’aalo badan ayay na waydiiyeen oo ay ka mid ahaayeen: maxaad siddaan, ninkani muxuu ahaa iyo qaar kale oo badan. Bal se nin ciidankaa ka mid ahaa ayaa indheer-garad iyo waayo-aragba u muuqday. Wuxu ahaa nin rarka wax ka yaqaannay. Wuxu ydhi: ‘Awrkani ma sido wax culus oo ka muuqda, culaysna wuu la tiicayaa maxaad siddaan.’ Annaga oo isla kadeedan, fadhiisina uu i leeyahay ayay ku soo baxeen dameero jaad sidaa. Kuwii baa Ilaahay nagu furtay oo ay ku wada yaaceen.”

Abtigii, wuxu sheekadan gaaban ku soo gunaanaday:

“Markii ay naga tegeen ayaan shucuurtiisa la yaabay oo waaba iska sidiisii. Waa maalinta qudh ah ee aan naxay ee aan is-idhi maanta galbate.”

Looga-qaateenkii hawl-galladan iyo sheekooyinka la yaabka leh ee la xidhiidha iga warramayay, waxay ii sheegeen in tiraba ilaa siddeed jeer ama sagaal jeer ay gudaha uga suurto-geli waayeen yoolalkii ay doonayeen. Suurto-gal-la’aantaasi waxay beertay shakiyo mararka qaarkood la isku maan-dhaafi jiray
Shakiyadaas waxa ka dhashay dacaayado, iyada oo ay kolkeeda horeba jabhadnimadu iska shakiyo badan tahay oo inta badan ay baci kugu xidhmayso. Sida aanu xogta ku hellay, hawlgalka ugu danbeeyey ee ay ku soo baxayaan Bashiir, Nuur Muhindis iyo Cismaan Awr-liqe saddexdoodu, Aadan Shiine, Cali-Gurey iyo Muuse Biixi derged yar oo Dibiile ku taallay ayaa muran badina ku dhec maray. Aadan-shiine oo arrimahan aad ugu canaantay Taliskii Aagga, ayaa ku andacooday in la joojiyo hawlahan, sahammadan iyo hawl-galladoodaba. Wuxu ku cel-celiyay in guul-darro lagala kulmi doono.

Sida ay looga-qaateenku noo sheegeen Mujaahid Bashiir ayaa markaa codsaday oo ku adkaystay in mar kale fursad la siiyo. Cismaan Awrliqe oo markaa magaalada ka soo baxay ayaa isagunana warka xooggiisa keenay. Mujaahid Bashiir, Nuur Muhindis iyo Cismaan Awr-liqe sidaas ayay ku soo ambo-baxeen.

Mujaahid Bashiir, dadkii sida la-yaabka iyo naf-hurkaba ula halgamay ee inta badan hawlaha la fulin jiray waxa ugu mudnaa abtigii Sheekh Muuse. Wuxu ahaa nin beeraley ah oo isla markaana xoolo-dhaqato ahaa oo weliba geelna lahaa. Galbeedka ayuu ku dhaqnaa oo aan inta badan loo aanayn geel-dhaqashada. Sheekh Muuse, Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo e’, waa uu dhintay. Haddaba si aanu wax uga ogaanno kaalintii uu Sheekh Muuse kaga jiray halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd, waxaanu la xidhiidhnay oo aanu ka wareysannay Xaaskiisa, Aamina Xasan Suldaan oo Hargeysa deggen.

Iyaduba, Mujaahidiinta nafta iyo waqtigaba hurtay ayay ka mid ahayd e’, waxaanu ku booqannay gurigeeda oo Gol-janno ku yaalla, 27/9/2015ka, gelinkii danbe. Iyada oo si wanaagsan noo soo dhaweysay, waxay si kal iyo lkaab ah noogu duubtay wixii ay ka ogeyd Mujaahid Bashiir iyo Sheekh Muuse, waxaanay ku bilowday:

“Horta inta uu Mujaahid Bashiir noo iman jiray waa ay badnayd, waxaan immika tiro ku soo koobi karona ma aha. Mararka uu noo yimaaddo wuxu nala joogi jiray habeen, laba ama saddex habeenba. Wax ka badan nalama uu joogi jirin, laakiin nagama uu raagi jirin oo si deg-deg ah ayuu noogu soo noqon jiray.”

Sida aan ka soo xigtay, Muuse Biixi oo ii sheegay in uu inta badan booqashooyinkaa abtigii ku wehelin jiray, Mujaahid Bashiir inta badan waa loo loogi jiray oo neef ayaa loo qali jiray sidii qof la baananayo oo kale.

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)