Raysal-wasaaraha Hindiya oo booqasho lama-filaan ah ku tegay Bakistaan

Raysal Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa booqasho aan hore loo shaacin ku tagay Pakistaan, booqashadan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee Raysal Wasaare Modi ku tago Bakistaan tan iyo intii uu xukunka qabtay.

Intii aanu tegin Bakistaan waxa uu Modi kaga dhawaaqay tegitaankiisa barta uu ku leeyahay twitter-ka, taasi oo aanu dad badan rumaysan arrintaasi, balse ay arkeen markii uu tegay Bakistaan.

Labada hoggaamiye ee Hindiya iyo Bakistaan ayaa waxay wada hadal kooban ku yeesheen shirkii cimiladda oo bishii hore lagu soo gabagabeeyey Paris.

Modi ayaa waxa garoonka diyaaradaha ee magaalada Lahore ku qaabilay Raysal Wasaaraha Bakistaan Nawaz Shariif, waxaana labada hoggaamiye ka dib diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ay u qaaday goobta ay wada-hadallada rasmiga ah ku yeelan doonaan.

Labadan waddan ayaa labaduba waxay haystaan hubka nukliyeerka.

bandhige@gmail.com