Doorashadii Maayar Solteco 2013ka: Xasuusta Digreeto La Igu Magacaabay Oo Maalmo Shaqaysay! (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Maanta oo kale lix gu’ ka hor 14kii Abril 2013ka ayaa Duqa Caasimadda iyo Guddoomiyeha Golaha Degaanka Hargeysa loo doortay Abdirahman Mohamoud Aideed. Markaas waxa aan ahaa madax-qaybeedka mareegta wararka (DHH). Wax bil ka yar ayaan xilka hayay oo 22 March 2013 ayaa la i magacaabay. Maalinta la dooranayo iyo maalinta xilka uu la wareegayo ayaan warbaahinta u yeedhay. Wixii dambe dhallinyaro dhinaciisa ka socotay oo cusbayd ayaa taladii la wareegtay.

Waxqabadkiisii ugu horreeyay wuxuu noqday in uu mushaharka iyo shidaalka ka jaro madax-qaybeedyo aan ka mid ah. Horta shidaal dambe ma qaadanba.. Mushaharkii iyo gunnadii ayaa dirqi lagu soo celiyay. Marka la i magacaabayo Websiteku wuu xayirnaa oo kala-guurka ololaha ayaa xidhay, in dib loo furo ayaa la rabay.

Maayarka waxa la socday kooxo saxafiyiin ah. Websitekii aniga oo arkaya ayuu cid kale u dhiibay, la imana eryin. Mid kale oo cusub ayaa la iska samaystay, kii horena waa laga guuray. Imakana kolba mid baa is xidha, ku kale ayaa la furaa. Waan iska aammusay. Waxan codsaday in wararka uun aan la qoro. Dheg la iima jalaq siinnin. Waan is-casilay, maadaama oo aan meel madhan ku magacaabanahay, oo ciyaala-xaafad i af-gembiyeen. Lama aqbalin..

Mar dambe ayuu ninkaygii digreetada ku magacawnaa nin ku yidhi “Waa lagu eryay”. “Haye” ayaan idhi. Xitaa dood ulama tegin duqa caasimadda Hargeysa. Weligay berigaas ayaa digreeto la iigu magacaabay, magac-u-yaal baan ahaa, markii dambena dibad-wareeg shaqadiisa cid loo dirtay baan noqday. Markii dambena digreeto la’aan ayaa “suuqa gal” la yidhi..

Dhawr jeer oo aanu Maayarka isku aragnay xaflado xil-wareejin ah iyo xabaalo, si fiican ayaanu isu bariidinnay. Kaddibna waan is dhaafnay. Waxaan goaansaday in aan si fudud mar dambe la ii magacaabin. Wax la hubo mooyaane, gidaar dambe la ii calaamadin maayo.

14ka Abril 2003da waxa loo dareeray doorashadii uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin kaga guulaystay Madaxweyne Siilaanyo 80ka cod. Xilligii UDUB waxa ay 14ka Abril ahaan jirtay maalinta dhirta Somaliland. Waxa masaxay Xukuumaddii Siilaanyo. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdina waxa uu maalinta dhirta ka dhigay 15ka Abril.